Madaxweyne Biixi oo Guddoomiyey Shir ay Maanta Isugu Yimaaddeen Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE

0
3

Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay oo axad ahayd shir-guddoomiyey shir ay isugu yimaaddeen xisbiga midnimada iyo horumarinta ee KULMIYE. Shirkan oo ay ka qaybgaleen xubnaha kala duwan ee guddida fulinta ee xisbiga KULMIYE, ayaa kamid ahaa hawlmaalmeedka shaqo ee guddidaasi xisbiga ugu igman tahay, waxana lagu faaqiday qorsheyaasha xisbiga iyo dhammaystirka hawlaha u yaalla guddi ahaan.

Guddida fulinta ee Xisbiga talada Somaliland haya ee KULMIYE

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Axmed Cabdi Dheere oo warbaahinta uga warbixiyey ujeeddada shirka, ayaa tilmaamay in shirku ku saabsanaa hawlaha xisbiga, waxana uu yidhi,  “Shirkayaguna waxa uu ahaa arrimaha xisbiga iyo sidii loo dardargelin lahaa arrimaha xisbiga, haddii ay doorashooyin inagu soo socda tahay iyo  shirarkii xisbiga tahayba.”

SHARE
Article horeSomaliland Oo Maanta Laga Xusay Maalinta Aids-ka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here