Madaxweyne Biixi Oo Hambalyeeyay Madaxda Cusub Ee DDSI, Is Bar-bar Dhigna Ku Sameeyay Kala Duwanaanshaha Siyaasadda Soomaaliya Iyo Itoobiya.

0
1

Hargeysa-28-08-208-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo maanta ka qayb-galay xafladda qalin-jebinta dufcadii 15aad ee ka baxda jaamacada Hargeysa ayaa ka hadlay isbedelka ka dhacay geeska afrika, iyo sida ay u kala duwan yihiin go’aamada ay qaateen madaxda labada dal ee Ethiopia iyo Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu hambalyo u diray dawladda cusub ee la wareegtay maamulka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waxaanu yidhi madaxweynuhu “Waxaan halkan hambalyo ballaadhan uga dirayaa Madaxda loo doortay dawlad- deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, waxa kale oo ay Somaliland ku hambalyaynaysaa sida nabad-galyada leh ee ay isugu wareejiyeen waanu idiin ducaynaynaa horumarkiinana waanu jecelnahay, waxan kaloo aad iyo aad usoo dhawaynayaa sagaalka qodob ee ay soo saareen barlamaanka dawlad-deegaanka itoobiya, waxanan aad u soo dhawaynayaa qodobka 5aad ee odhanaya waxaanu ku dadaalaynaa is dhex-galka labada dal waxaan soo dhawaynaynaa is dhexgal dhinac kastaba leh, isku af ayaynu nahay, isku dhaqan ayaynu nahay, isku diin ayaynu nahay walaalo ayaynu nahay waxbaynu wada leenahay waynu isu baahan nahay waxa ay Somaliland taageeraysaa 100% is dhexgalka, ganacsiga, dhaqanka, ciyaaraha iyo tallo wadaaga oo Jig-jiga, Go’day iyo Hargaysa iyo Burco in dadku si siman uga ganacsan karaan ayaanu doonaynaa annagoo ah laba dawladood.

Sidoo kale madaxweynuhu mar uu ka hadlayey isbedelka wakhtigan ka dhacay geeska Afrika ayuu yidhi “Isbadalada iyo horumarka ka socda geeska afrika waxaynu is bar-bar dhigaynaa sida ay u wajaheen Addis-ababa iyo Muqdisho.

Addis-ababa 1993 waxay ogolaatay dawladnimada iyo madaxbanaanida Eritrea, muqdisho iyo madaxda hoggaamisaa waxay ka dagaalameen Somaliland iyo madax-bannaanideeda.

Sannadkan aynu ku jirno ee 2018 addis-ababa waxa ay qaaday tallaabo ah in ra’iisal wasaaraha Itoobiya uu tago asmara oo uu u ogolaaday wax kasta oo ay ku murmayeen, si ay isu kaashadaan, halka muqdisho dadka ka taliyaa ay 2018 yidhaahdeen Somaliland waxaanu ka xidhaynaa cirka iyo badda oo cidi ma soo gali karto, marka aanu dhulka idinka xidhnana waxaanu idinka soo weeraraynaa dhulka oo uu ku dhaaranayo inuu Somaliland soo weerarayo waa laba caqli oo kala duwan, xadka uu mustacmarku dhigay waa ka ay afrikaba ku qaybsan tahay annaguna ma badali karno waxa caalamka iyo afrikaba ku heshiiyeen, waxaanu ogolnahay in Soomaalidu iyadoo wax walba wadaagta hadana cid waliba ay u madax-banaanato aayaheeda siyaasiyan wixii walaaltinimo ahna la wadaago.

Dadka caalamka ku yidhaahda Somaliland, Soomaali ayay diidan tahay Xaasha, Somaliland iyadaa ku dhaadata Soomaali-nimada, Somaliland ayaa halgankii isticmaarka ku suntan, waxaanu haynaa wadadii Soomaali jacaylka, waxaad leedihiin cirka iyo dhulkan ayaanu idinka wareerayaa idinkoon itaalba haynin, hadaad itaal yeelan lahayd maxaad samayn lahayd, nimanka leh waa muqadas midnimadu, annaguna waxaanu leenahay waa muqadas in la kala tashado, hadii la heshiin waayay” ayuu yidhi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixin Cabdi.

SHARE
Article horeHay’adda Qurba-joogga Somaliland oo Qabsatay Shir Sanaddeedkeedii 4aad
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here