Madaxweyne Biixi Oo Ka Hadlay Shakhsiyadda Marxuum Cabdilaahi Fadal Iimaan, Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland

0
1

Waxa Uu Tacsi U Diray Ehelada, Dhammaan Ciidammada Kala Duwan Ee Qaranka Iyo Shacabka Somaliland Ee Uu Ka Baxay  Sareeye Gaas Marxuum  Cabdilaahi Fadal Iimaan

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii, iyo ciddamada dalka ee uu ka baxay taliyihii ciidammada booliska somaliland, sareeye gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday cusbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa oo xaalad caafimaad-darro u jiifay. Madaxweyne Biixi waxa uu si kooban uga hadlay shakhsiyaddii marxuumka oo uu ku sifeeyay halyey qaranka ka baxay. Sidaasna waxa lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada somaliland, kaasi oo u dhignaa sidan;

TACSI MADAXWEYNE

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Sareeye gaas Marxuum  Cabdilaahi Fadal Iimaan oo ku geeriyooday caawa (xalay) oo ay taariikhdu tahay 01/11/2019, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey halyey hawlkar ahaa oo u hagar-baxay shaqadii uu qaranka u hayey, hadh iyo habeenna heegan adag ugu jiray adkaynta amniga, wuxuuna ku suntanaa ka qayb-qaadashadii aas-aaska ciidanka booliska Somaliland, isagoo shaqada qaranka ka soo bilaabay meel hoose isla markaana xilal kala duwan ka soo qabtay ciidanka booliska kana gaadhay derejada sareeye gaas. Waxaanu geeriyooday isagoo ah taliyaha ciidanka booliska Somaliland oo uu muddo dheer soo ahaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Ciidamada kala duwan ee qaranka, gaar ahaan ciidanka Booliska Somaliland, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article horeDibadbaxyo Ka Dhacay Jabuuti Oo Khasaare Ka Dhashay iyo Hogaamiyeyaasha mucaaridka oo cambaareeyey siyaasada Madaxweyne IOG
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here