Madaxweyne Biixi Oo Kormeeray Mashruuca Banka Wajaale, Waddooyin Cusubna Xadhigga Ka Jaray

0
1

Gabiley(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa maanta xadhigga ka jaray waddooyin cusub oo laga hirgeliyey magaalooyinka Arabsiyo iyo Gabiley. Madaxweynaha oo ay wehelinayaan maamulka heer gobol iyo heer degmo ee gobolka Gabiley, ayaa xadhigga ka jaray waddooyinka cusub ee maamulka dawladda Hoose ee gobolka Gabiley ku fuliyeen xaafadaha kala duwan ee magaalooyinka Gabiley iyo Arabsiyo.

Madaxweynaha oo ku guda jira safar shaqo uu ku tegay deegaanno hoos yimaadda gobolka Gabiley, ayaa sidoo kale kormeeray mashruuca wax soo saarka beeraha ee banka Wajaale, waxana uu indhihiisa  shaqo lagu jarayo hadhuudh iyo badar kala duwan oo mashruuca ay wasaaradda Beeruhu gacanta ku hayso ee Banka Wajaale kasoo go’ay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here