Madaxweyne Biixi oo ku Dhawaaqay Go’aan uu Xal Uga Dhigay Muranka Qabsoomida Doorashada iyo Xisbiyada Mucaaridka oo soo Dhaweeyay

0
1

Madaxweynaha Somaliland oo khudbad-sanadeedkiisii golaha baarlamaanka kaga dhawaaqay furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka + Sacabkii iyo Mashxaraddii Mudaneyaashu ku taageereen go’aanka

“Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Hubaal) – Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay inuu ku furayo Ururrada siyaasadda Somaliland. Madaxweynaha oo khudbad-sanadeedka 2020-ka u jeediyey labada Aqal ee Baarlamaanka Somaliland shalay oo salaasa ahayd, ayaa sheegay in maaddaama oo labadii sannadood ee u dambeeyay ay ku lumeen  muran ka dhashay qabsoomid la’aanta doorashooyinka Goleyaasha Wakiillada iyo deegaannada uu go’aansaday inuu soo hor-mariyo in la furo Ururrada siyaasadda iyo Asxaabta Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Mar haddii laba sanno oo hore ay inagaga lumeen muranka Xisbiyada Mucaaradka ah ee aan sharciga ku fadhiyin, jidka kaliya ee innoo furan maanta, waa in aan soo hor-marino furitaanka Ururada Siyaasadda iyo Axsaabta Qaranka.”

Geesta kale, xisbiyada mucaaridka ah oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in la furo ururada siyaasadda, balse waxa ay soo jeediyeen in doorashada madaxweynaha iyo ta goleyaasha mar la wada qabto, oo la soo hormariyo.

“Haddii ururada la furayo waanu soo dhaweynaynaa, waxase weeyaan in doorashooyinka oo dhan lasoo qadimo oo mushkilad maaha, waanay ku fiican tahay in lagu daro xeerarka in doorasho waqtigeedii laga soo horreysiiyay la qaban karo, wax badan baana laga yaabaa inay fududayso, waana in dimuqraadiyadda oo dhan la koriyo oo doorasho kaliya ma aha dimuqraadiyadu. Waxan leeyahay Ururadana inoo fur doorasho oo dhamina haynoo qabsoonto.” Ayuu yidhi hoggaamiyaha xisbiga Waddani Mud. Xisri oo shalay warbaahinta la hadlay

“Asxaab ahaan mawqifkaa madaxweynuhu qaatay waanu soo dhaweynaynaa, wax cunfiya kama qabno in ururada la furo, laakiin waxa aanu leenahay waqtigeeda iyo goobteeda hala gaadho, waana in doorashooyinka oo dhan oo ta madaxweynuhu ku jirto hal mar lawada qabto.” Ayuu yidhi Ku-xigeenka xoghayaha guud ee xisbiga Ucid, mud. Naasir Qodax

Hadalkaasi markii uu madaxweynuhu sheegay ayaa mar kaliya waxa golaha qabsaday sawaxanka mushxarad iyo sacab ay mudanayaasha golahu isla taageen, oo ka turjumaya sida ay ugu farxeen go’aanka madaxweynuhu ka dhawaajiyey ee ah in la furayo ururada siyaasadda, hadalkaas ayaana noqday mid beddelay jewigii goobta, halka madaxweynuhu laftiisu uu ka falceliyey dareenka golaha ee dhawaaqida go’aankiisa, waxaana madaxweyne Biixi la arkayay isagoo qoslaya marna la yaaban, waxa ay ku farxeen oo ah in la furo ururo, isla markaana waxa uu madaxweynuhu ku tuuray hadal muujinaya damiir la’aantooda, maadaama waxyaabaha horumarka dalka taabanaya ee khudbadiisa ku soo qaatay wax dareena uga yeelan waayay, halka mid siyaasadda oo faa’iido ugu jirin dalkana uu fadhiga ka kiciyey.

Somaliland ayaa xilligan waxa ka jira Xisbiyada kala ah, WADDANI, KULMIYE iyo UCID. Haddii la furo ururada siyaasadda, waxa xisbiyada qaran ee hatan dalka ka jira ay noqon doonaan ururo siyaasadeed oo ka qaybgali doona doorashooyinka goleyaasha deegaanka, waxaana soo bixi doona saddexda xisbi ee aqlabiyada ahaan ku guulaysta kuraasta golayaasha gobol kasta, marka laga tago xisbiga talada haya,

SHARE
Article horeKhudbad-sanadeedka Madaxweynaha Somaliland Ee 2020-ka, [Akhri Maxaa Ku Cusbaa] ?
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here