Madaxweyne Biixi Oo Kulan la Qaatay Wefti Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD

0
1

WAR-SAXAAFADEED

 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Oo La Kulmay Wefti Qaramada Midoobay Iyo Urur-Goboleedka IGAD

 

Hargeysa-11-11-2018-(Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wefti ballaadhan oo ka socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD.

Kulankan uu madaxweynuhu la qaatay wefdi ka kala socotay qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, ayaa waxa kala hoggaaminayey Ku-xigeenka wakiilka qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr. Rai Zenenga iyo ergayga khaaska ah ee urur-goboleedka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mudane Maxamed Cali Guyo, waxana ay labada dhinac kulankaas diiradda ku saareen arrimo door ah oo dhinacyada nabadgelyada iyo is-kaashiga ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnaha weftiga ah ee ka kala socday qaramada midoobay iyo urur-goboleedka IGAD, waxa ay sidoo kale si qoto dheer uga wada hadleen sidii loo dardar-gelin lahaa arrimaha bani’aadam-nimada, amniga mandaqada geeska Afrika iyo xoojinta xidhiidhka labada dhinac, waxana ay xubnaha weftigu madaxweynaha uga mahad-celiyeen sida uu ugu heellan yahay in xukuumadda uu hoggaamiyaa kor u qaaddo xidhiidhka ay leedahay jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa iyo ururrada kale ee mandaqadda.

 

 

 

Madaxweynaha waxa kulanka ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Somaliland, ahna sii hayaha wasiirka waxbarashada, Mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faro-toon), wasiirka cusub ee maaliyadda, ahna sii hayaha wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire iyo ergayga Jamhuuriyadda Somaliland u qaabilsan  midowga Afrika iyo urur-goboleedka IGAD, Mudane Cabdilaahi Maxamed Ducaale.

ALLAA MAHAD LEH

 

Maxamuud Warsame Jaamac

 

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

 

 

SHARE
Article horeGorfaynta Buugga “Miyi Ilaa Madaxtooyada”- W/Q: Guuleed Axmed Xaashi
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here