Madaxweyne Biixi Oo Qaabiley Safiirka Dawladda Ingiriiska U Qaabilsan Somaliland Iyo Soomaaliya

0
1

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu maanta xafiiskiisa ku qaabiley safiirka dawladda Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Amb. David Concar.

Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay qodobo muhiima oo la xidhiidha qabsoomida doorashooyinka wakiilada iyo deegaanka, xidhiidhka labada dal, xoojinta gargaarka binu-aadanimo ee ay ingiriisku gacanta ka siiyo Jamhuuryadda Somaliland, gaar ahaan dhinaca caafimaadka, iskaashiga arrimaha nabadgelyada mandaqada geeska afrika iyo shaqo abuurka dhalinyarada.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay dhismaha waddada Berbera Corridor oo uu safiirku sheegay inay tusaale fiican u tahay isu socodka dhaqaale ee geeska Afrika,Dawladda Ingiriiskuna ay diyaar u tahay inay qayb ka noqoto dhismahaasi.

Kulankaasina waxa uu ku soo dhamaaday Isfahan iyo in xidhiidhka labada dal ka dhexeeya la sii dardar geliyo.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article horeMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Xuska Sannad Guurada 25-aad ee Aas-aaska Ciidanka Qaranka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here