Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Colaada Koonfurta Sool

0
1

Madaxweynaha Somaliland oo Amar ku bixiyey in Awood dawladeed wax lagaga qabto joojinta Colaadda, Baaq nabadeedna u diray Beelaha Walaalaha Ah Ee  Dirirtu u dhexayso

 

Hargeysa(Hubaal)– Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi,  ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex martay  koonfurta gobolka Sool,  gaar ahaan deegaanka Dhumay isagoo Hay’adaha amnigana faray inay Talaabo adag ka qaadaan Cid kasta oo Nabadda Doc wareemaysa.

Warsaxaafadeedkan oo uu Ku Saxeexan yahay Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Maxamud Warsame Jaamac oo Nuqul ka mid ahi soo Gaadhay Wakaaladda Wararka ee Solna ayuu Madaxweynuhu ku sheegay

“Inaan Dagaalka dhumay ee wakhtigani aanu ahayn mid la aqbali karo waxaanu Madaxweynuhu xusay in aanay Macquul ahayn in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeedna wuxuu ugu baaqay kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan Isla markaana u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan  waxba galabsan iyo aakhiradoodaba.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu ugu baaqayaa waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladdaas, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka beelahaas walaalaha ah.

Waxaanu madaxweynaha Somaliland si adag u tilmaamay in aan loo dulqaadan Karin colaad sokeeye oo dhalisa khasaare soo noqnoqda oo ka dhaca deegaanka koonfurta gobolka Sool.

Madaxweynuhu waxa uu ciidamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’adaha kala duwan ee xukuumadda ku amray inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan colaadaasi soo noq-noqotay, cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ay ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta colaadaasi iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata colaadaa soo noq-noqotay. Ugu danbayna waxa uu madaxweynuhu tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku naf waayey dagaalkaasi, waxaanu u ducaynayaa intii ku dhaawacan tahay in Alle caafimaad ka siiyo waxyeelada soo gaadhay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here