Madaxweyne  Biixi Oo Soo Kaxeeyey, Madaxtooyadana Soo Dejiyey Wiilkii Yaraa Ee Qoyskiisu Duufaanta JSL Somaliland  Ku Dhamaadeen

0
1

 

“Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna  qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa”  

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ka dareen celiyey wiil qoyskiisii   ay ku dhinteen roobabkii duufaanada watay ee ku dhuftay xeebaha galbeed ee somaliland,

Madaxweyne Muuse Biixi oo maanta gaadhay degmada Lughaya ee gobolka Awdal ayaa sheegay in wiilkaas dhibaatada balaadhani soo gaadhay uu marti u yahay qarankiisa isla markaana uu xil weyni ka saaran yahay sidii wax loogu qaban lahaa.

 

Madaxweyne Muuse Biixi oo ka hadlaya xaalada wiilkan yar kala soo daristay duufaanada ku dhuftay xeebaha galbeedka dalka ayaa waxa uu yidhi “Waxa jira qoys dhawr iyo toban qof ahaa oo wiil yari ka hadhay, wiilkaasna waanu doonaynaa, haddii reerkoodii baxayna

qarankiisii baa jooga, xilkuna qaranka ayuu saaran yahay, markaa wiilkaasi inuu na raaco ayaanu doonaynaa,”madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan deegaanka Lughaya.

braahin Muuse Cabdi oo ka mid ah ardayda wax ka dhigata deegaanka Gargaara oo ka mid ah xeebaha gobolka Awdal ayaa ka waramay masiibo ka soo gaadhay roobabkii duufaanada ahaa ee ku dhuftay gobolada Awdal iyo Selel.

Ibraahin Muuse Cabdi ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo ku maqan waxbarashadiisii ay reerkoodii qaadeen daadadkii xooga badnaa ee ka dhashay roobabkii ka da’ay xeebaha gobolka Awdal, waxaanu sheegay inay ka geeriyoodeen sideed qof oo ay ku jiraan hooyadii iyo aabihii.

Ibraahin Muuse oo ka hadlaya masiibada uu kala kulmay roobabka ayaa waxa uu yidhi “Magacaygu waa Ibraahin Muuse Cabdi xaafadayada lamaan joogin oo dugsi ayaan dhiganayey, subaxdii ay duufaanadu yaraadeen ayaan xaafadii tagay,waxaanan arkay xaafadii oo uu daad qaaday, qoyskayagiina waxa ka hadhay aniga iyo sadex kale.”

Ibraahin Muuse ayaa intaas raaciyey “Qoys ahaan waxa iga geeriyooday sideed qof oo lix aanu walaalo ahayn iyo hooyada iyo aabahay.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here