Madaxweyne Biixi Oo Wareegto Ku Asteeyey Maalinta Geesiyaasha Somaliland

0
1

Hargeysa(Hubaal)-  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa maalinta shuhaddada SNM 17 October  u beddelay maalinta Geesiyaasha Qaranka Somaliland. Sidaasna wuxuu madaxweynuhu ku sheegay wareegto uu soo saaray maanta oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Hubaal, waxaanay u qornayd:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne ku asteeyey In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Tixgeliyey:Go’aanka Shirkii Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland, Shir Lr. 23aad ee 18/10/2018;

Markaan Dersay:Ahmiyadda ay Qaranka u Leedahay Xuska Maalinta Geesiyaashii naftooda u soo huray halgammadii kala duwanaa ee xornimada dalka, sida halgankii Daraawiishta, Kacdoonkii Culimada, Aqoonyahanka, Suugaan-yahanka iyo Halgankii Hubaysnaa ee SNM;

Waxaan go’aamiyey;

In maalinta 17 October ee sannad walba loo asteeyo in ay noqoto Xuska Maalinta Geesiyaasha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here