Madaxweyne Biixi Oo xafiiskiisa ku qaabiley Aqoonyahan Dunida U Bandhiga Qaddiyadda Somaliland

0
1

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Aqoonyahan Michael Rubin oo ah madaxa maxadka American Enterprise Intitute isla markaana ah khabiir wax badan ka qoray qaddiyadda madax-bannaanida, Dimuqraaddiyadda iyo horumarka Somaliland ka hanaqaaday oo uu in badan beesha caalamka u bandhigay.

Aqoonyahankan ayaa qadiyada Jamhuuriyadda Somaliland ugu dooda warbiximo iyo qoraalo  uu la wadaago warbaahinta caalamka, isagoo beesha caalamka u sharaxa dawlad-wanaaga, horumarka iyo doorashooyinka ka hirgalay Somaliland oo ay waddamo badan oo caalamka ah ay kaga horumarsan tahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalilandna waxa uu aqoonyahankaa ku bogaadiyey sida uu ugu doodo qadiyada Madax-bannaanida iyo horumarka Somaliland uguna heelan yahay inuu wax ka qoro.

Aqoonyahankan oo ka dareen celinaya safarkiisa uu ku yimid Dalka Somaliland oo uu in badan wax ka qoray ayaa madaxweynaha u sheegay inuu ku faraxsan yahay imaatinka dalka uu u doodo ee Jamhuuriyadda Somaliland, Wuxuuna booqandoonaa goobo muhiima oo ka mida dalka, isagoo ku hawlan sidii uu beesha caalamka ula-wadaagi lahaa heerka waxbarashada tacliinta sare ee dalku ku tallaabsaday, madaama uu maamulo xarun waxbarasho oo heer caalami ah kuna taala dalka Maraykanka.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article horeMadaxweyne Ku-Xigeenka Oo Kormeeray Keydka Dawooyinka Somaliland
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here