Madaxweyne Biixi Warqad Garnaqsi ah U Kala Diray Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Goleyaasha Caalamka iyo Dalalka Waaweyn

0
26

AKHRI Dulucda Qoraalkan Oo Axadii shalay Uu Madaxweynuhu Kaga Hadlay gardarrada Soomaaliya ku hayso Somaliland

Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa waraaq u kala diray beesha caalamka, oo uu ku caddeeyey inay qaddiyada   Somaliland tahay mid muqadas ah oo aanay cidna u dabo fadhiisanaynin qaranimada    madax-bannaanida dalkeeda. Siday  ku warantay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA,  waxa madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu Axadii shalay oo bishu ahayd 11.03.2018 qoraal  rasmi ah u kala diray  urur goboleedka IGAD, Qarammada Midoobay ee UNka, Ururka Jaamacada Carabta ee [Arab League], Ururka Midawga Afrika  ee [AU], Midawga Yurub  ee [EU], boqortooyada Ingiriiska (UK), Dawladaha Maraykanka iyo Denmark. Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi wuxuu waraaqaha  uu u kala diray   beesha caalamka uu  ku nuuxnuuxsaday  in qaranimadda Somaliland ay ku timid rabitaan shacbi oo ummadda reer  Somaliland madax-bannaanidoodii ay kala soo noqdeen Soomaaliya sannadkii 1991kii. Wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA ayaa sheegtay in waraaqda madaxweynaha Somaliland u diray ururrada iyo goleyaasha caalamka ay jawaab waafiya u tahay   hadalladii ka soo yeedhay dawladda Muqdisho ka talisa ee ay kaga hadlayeen heshiiska saddex geesoodka ah ee dhex maray Somaliland, DP World iyo Dawladda Itoobiya, kaasoo ahaa heshiis  maalgashi. Waxaanu madaxweynuhu u sheegay dawladaha iyo ururada ay ku socoto warqadaasi in hadalka ka soo yeedhay Soomaaliya aanu ahayn mid ku saabsan heshiiska DP World balse uu yahay mid duulaan ku ah madax-bannaanida  Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu wacad ku maray in dawladda Somaliland iyo shacbigeeduba aanay marnaba u dulqaadanayn, hadallo deel qaafa iyo gardaro caddaana oo kaga yimaada dawladda Muqdisho itaalka daran. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi wuxuu  waraaqdaas ku iftiimiyey in aanay ka noqosho lahayn  gooni isu-taagga  Somaliland isla markaana  heshiisyada ay  gelaysaana yihiin  kuwo aan ka noqosho lahayn, Soomaaliyana aanay wakhti iskaga lumin arrimaha Somaliland ee ay daneheeda ka raacato. Madaxweynaha Somaliland wuxuu ugu dambayn Soomaaliya ku booriyey inay ka waantoobaan   dhaqanka xiqda iyo xasadka ay Somaliland u muujiyaan  mar kasta oo Somaliland horumar ku talaabsato.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here