Madaxweyne Farmaajo Oo ka Hadlay Wadahadalada Somaliland Iyo Ujeedada Uu Ka Leeyahay

0
1

 Waxa Uu Sheegay In Maamulkiisu Ka Go’an Tahay Ka Midho Dhalinta Wadahadal Uu Tafsiir Kale U Yeelay Oo Dhexmara Somaliland Iyo Soomaaliya

Farmaajo Oo Khudbad uu ka jeedinayay baarlamaanka Somalia, ku Iftiimiyey In Dalkiisu Ku Jiro Marxalad Adag

Muqdisho (Hubaal)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo shalay khudbad ka jeediyay furitaanka kala fadhigii 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda uu marayo dalka. Madaxweyne Farmaajo oo ugu horeyn ka hadlay Arrimaha Amniga ayaa sheegay inuu dalka ku jiro xaalad adag oo u baahan in laga saaro dalka iyadoo taas loo marayo wada-jirka shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa xusay inay dowladiisa horumar wanaagsan ka samaysay dhanka isbadalada Ciidamada, gaar ahaan Ciidamada Xoogga, Booliska iyo Sirdoonka si loo dajiyo qorshayaal ciidan oo si rasmi ah looga hortago halista Argagixisada.

Wuxuu Madaxweynaha soo hadal qaaday arrimaha Mushaarka Ciidamada, isagoo Golaha shacabka hortiisa ka sheegay inay Ciidamada Mushaharkooda u bixiyaan si joogto ah marka laga reebo ciidamo  aan weli lagu soo darin nidaamka cusub ee mushaar bixinta Ciidamada Dowladda ayna arrintaas hadda mareyso meel gabagabo ah.

Madaxweynaha ayaa ku faanay inay Dowladiisa labadii sanno oo ay xilka heysay ku guuleystay kor u qaadista Dhaqaalaha dalka oo uu sheegay in sare loo qaaday 30%.

Wuxuu Xukuumadda ku amaanay inay hirgeliyeen hindiso sharciyeedyo badan oo la hor geeyey Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Muxuu Ka Yidhi Wadahadalka Somaliland Iyo Soomaaliya?

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa sheegay in ay ka go’an tahay ka midho dhalinta wada hadallada Somaliland, islamarkaana uu diyaar u yahay ka garaabidda arrimaha Somaliland gooni isugu taagtay.

Waxa uu sheegay in aanay ka maarmin Somaliland“Waxa naga go’an in aanu ka midho dhalino wada hadalka maamulka Somaliland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya si xal waara loogu helo tabashooyinka walaalaheen. Walaalaheen Somaliland waa dad walaalaheen ah oo aan jecel nahay oo aynaan kala maarmin, waxaan ku bixinayna dadaal dheeri ah midnimada iyo wada jirka umadda Soomaaliyeed si aan uga baxno dhibaatada ay umadda Soomaaliyeed ku jirto,” Sidaas ayuu yidhi Madaxweyne Farmaajo

Farmaajo inkasta oo uu hoosta ka xariiqay in midho dhalka wada hadalku noqonayo midnimada Hargeysa iyo Muqdisho haddana wuxuu ku dooday in uu ka garaabayo tabashada Somaliland waxaanu yidhi “Waxa aan diyaar u nahay in aanu si waafi ah uga garowno tabashooyinkooda walaalaheena reer Somaliland.”

SHARE
Article hore“Tahriibku Waa Cudur Sida Durayga Oo Kale Ugu Dhaca Qofka Bani’aadamka Ah”
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here