Madaxweyne Geelle Oo Isku-shaandheeyay Xukuumaddiisa

0
1

Jabuuti (Hubaal) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Md. Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isku-shaandhayn ku sameeyay Xukuumaddiisa. Madaxweynaha ayaa Wasiirradii Xukuumadda intooda badan isku bed-beddalay, halka uu Wasiirro cusub oo kooban Magacaabay.

Madaxweynaha ayaa Wasiirka Garsoorka iyo Jeelasha u Magacaabay Cali Xasan Bahdoon oo hore u ahaa Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirkii Maalgashiga ee Jabuuti Cali Geelle Abuubakar ayaa loo Magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga

Wasiirka gaashaandhigga ee Qaabilsan ilaaqaadka Baarlamaanka waxa loo Magacaabay Xasan Cumar Maxamed oo hore u ahaa Wasiirkii Arrimaha gudaha, halka Wasaaradda Arrimaha gudaha loo Magacaabay Muumin Axmed Sheekh oo hore u ahaa Wasiirkii Garsoorka.

Wasiirka Caafimaadka waxa loo Magacaabay Maxamed Warsame Diiriye, Wasiirka Gaadiidka iyo qalabaynta waxa loo Magacaabay Muuse Maxamed Axmed oo hore u ahaa Wasiirka Deegaanka.

Madaxweyne Geelle waxa kale oo uu Wasiirka deegaanka u Magacaabay Maxamed Cabdiqaadir Muuse Xalam oo hore u ahaa Wasiirka Gaadiidka, halka Wasiirka Miisaaniyaddana uu u Magacaabay Cabdikariin Aadan Sheekh.

Xukuumaddan cusub ee Jabuuti ayaa xubnaha ku cusub waxa ka mid ah Wasiirka Miisaaniyadda.

SHARE
Article horeRAMADAAN: Bisha Is Beddelka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here