Madaxweyne MBC Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Qaabilay Aabihii Dimuqraadiyadda Ka Hirgeliyey Somaliland Iyo Nuxurka Kulankaasi Daarnaa

0
128

Kulankan Waxaa Labada Madaxweyne ku wehelinayay Wasiirradii Maalliyada iyo Arrimaha Dibada Ee Xukuumaddi UDUB

 

Hargeysa(Hubaal):-Madaxweynaha cusub ee somaliland Md Muuse Biixi Cabdi  ayaa shalay qaabilay madaxweynihii sadexaad ee somaliland Daahir Rayaale Kaahin. Daahir Rayaale Kaahin ayaa waxa kulanka uu la yeeshay madaxweyne Muuse Biixi ku wehelinayey Xuseen Cali Ducaale iyo Cabdilaahi Maxamed Ducaale oo u ahaan jiray wasiiradii Arimaha Dibada iyo Maaliyada. Kulankan ayey madaxtooiyada somaliland ku sheegtay inuu ahaa mid booqasho iyo salaan oo dhex martay madaxweyne Muuse Biixi iyo madaxweynihii sadexaad ee somaliland Md Daahir Rayaale Kaahin Dhinaca kale wararka laga helayo kulankaasi ayaa sheegaya in madaxweyne Muuse Biixi uu doorbiday inuu talooyin waydiisto maadaama oo dhawaan uu la wareegay xilka madaxweyne ka dib markii uu ku guulaystay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday bishii November ee sanadkan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here