Madaxweyne Muuse Biixi oo Ka Hadlay Shirkii Brussels, Nabadaynta Ka Socoda Degmada Ceel-afweyn Iyo Doorashooyinka Sanadka Soo Socda Qorshaysan

0
1

“Horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.” Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Hargeysa (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si faah-faahsan uga hadlay,  shirkii dhawaan lagu soo gebo-gebeeyey magaalada Brussels ee xarunta dalka Beljamka ee lagaga hadlayey arrimaha Soomaaliya,  nabadaynta lagu turxaan-bixinayo beelaha walaalaha ah ee ka socota degmada Ceel-afweyn iyo doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda dalka ka qorshaysan.

Ugu horrayn madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu bulshada  u sharraxay ujeeddada shirkii dhawaan kusoo dhammaaday dalka Beljamka  iyo ciddii lagula hadlayey, isaga oo hoosta ka xarriiqay inuu shirkaasi ahaa mid aan u qalmin inay Somaliland ka qayb-gasho, islamarkaana aanay marnaba Somaliland ka xaadiri doonin madal meeqaamkeeda iyo dawladnimadeeda waxyeello ku ah, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Shirka Brussels waxa loo qabtay Soomaaliya, iyagaa loo qabtay, iyagaa lagula hadlayey, meelna kumaynaan lahayn, qaabkii loo qabanayeyna weynu isku diidnay, waayo dawladaha qabanayey waxa ay doonayeen inay u arkaan inay Soomaaliya mid tahay. Shirkaa waxa la yidhi waxa lagu qaybinayaa deeq oo waxa la yidhi lacagaa lagu qaybinayaaye maxaynu uga hadhaynaa, horto deeqda iyo adduunka siisan mayno gobonnimadayada iyo rabitaanka dadkayaga, waxana aanu go’aansannay inaanu dawlad gaar ah oo madax bannaan noqono, markaa Yurub iyo Maraykan baa lacag qaybinaysa nooma taalla haddaan annaga toos naloo siinaynin, ma qaadanayno san-dareero  cid noo soo marta, waayo wax lacag ka badan baanu u hurnay gobonnimada iyo dalka in dib loogu soo celiyo halkii uu lixdankii joogay.”

SHARE
Article horeMadaxweynaha Oo Kormeeray Xarumaha Maxkamadaha Kala Duwan Ee Dalka Iyo Xeer Ilaalinta Guud
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here