Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
1

Taariikh: 09/04/2018

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Somaliland Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah maanta xafiiskiisa kula yeeshay xubnaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

 

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka oo uu ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee dalka kusoo foolka leh, dhammaystirka caqabadaha jira, iyo sidii xukuumad iyo komishanba isku-duubni loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinkaas.

 

Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha uga war-bixiyey halka ay hawlahoodu marayaan iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, iyaga oo madaxweynaha uga mahad-celiyey muhiimadda gaarka ah ee uu hawlaha doorashooyinka siinayo iyo sida ay madaxweyne ahaan uga go’an tahay inaanay doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose dib uga dhicin waqtiga ay qorshaysan yihiin.

 

Sidoo kale, xubnaha guddida doorashooyinka qaranku waxa ay madaxweynaha u xaqiijiyeen inay ku rajo weyn yihiin in doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose ee sanadka soo socda qorshaysani waqtigooda ku dhacaan, maadaama oo ay haystaan taageerada madaxweynaha qaranka, isla markaana ay qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka wixii dhinacooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinkaas.

 

Madaxweynaha, ayaa dhinaciisa uga mahadnaqay xubnaha doorashooyinka dedaalka ay wadaan, waxaana uu hortooda ka caddeeyey inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay sidii  ay doorashooyinka dalka kusoo foolka leh waqtigooda uga qabsoomi lahaayeen, isla markaana uu diyaar la yahay wixii dhinaciisa looga baahdo si ay doorashooyinkaasi u qabsoomi lahaayeen.

 

Kulankan oo daba socday kulamo hore oo madaxweynuhu la yeesho xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana ay labada dhinac isla garteen in wada-jir looga shaqeeyo sidii doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu u  qabsoomi lahaayeen xilligii loo asteeyey.

 

 

 

ALLAA MAHAD LEH

 Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here