Madaxweyne Muuse Biixi & Weftigiisa oo La Filayo Inay Gelinka Dembe Ee Maanta U Galab Carraabaan Burco

0
1

Madaxweyne Biixi Oo Booqasho Ku Tagi Doono Garoonka Alamzy Stadium Oo Roogii Doogada Ahaa Lagu Goglayo

Burco (Hubaal ):- Madaxwaynaha Soomaliland Muuse Biixi Cabdi Ayaa maanta  galinka danbe sida la filayo, ku o wajahan Magalada Burco ee xarunta gobolka togdheer, oo ay ugu dambaysay xilligii  tartankii doorashada madaxtinimada eek al hore ka qabsoontay Somaliland.  Madaxwaynaha Soomaliland oo shalay  safarkiisi kowaad ugu   kicitimay gobollada bariga Somaliland oo ku sugan magalada berbera ayaa la dareemayaa hadal haynta ay shacbiga gobollada bari gaar ahaanna reer Togdheer  eek u wajahan  safarkiisa. marka laga reebo madaxwaynaha oo xadhiga ka jaraya jeelka wayn ee magalada burco, oo hore u bilawday xukuumadii ka horaysay oo Madaxwayne Silaanyo hogaaminayay  oo la doortay Madaxwayne Muuse Biixi isaga oo dhismahu soconayo iyo kormeer u ku tagayo garoonka kubada cagta ee Alamzay oo Roog lagu goglayo. bulshada ku dhaqan magalada burco ayaa goobaha lagu kulmo,ee ay ka mid tahay ,goobaha makhahayada ee lagu gorfeeyo siyaasada iyo xaalka dalka lagu hadal hayaa  waxay  is waydiinayaan waxyaabaha ay  Madaxwayne Muuse Biixi ka filayaan in uu kala hadlo iyo khudbad uu fagaaraha ku hor yaalla madaxtooyada Burco uga jeedin doono dadweynaha waxyaabaha uu ku soo qaadan doono. madaxwaynaha iyo xukumadiisa ayaa laga warsugayaa waxyabaha ay kaga jawaabi doonaan ballanqaadyo uu xisbiga kulmiye u sheegay shacbiga bariga Somaliland .

SHARE
Article horeAxdiga Hirgaley Ee Somaliland Iyo Boqortooyada Daarood
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here