Madaxweyne Qaranka Somaliland Waxa Leh Shan Beeloode, Beeshenu Ma Boqortooyaa?-Mowliid Aadan Cumar

0
13

Madaxweynaha qaranka somaliland Mudane Axmed Maxamad Maxamuud {Siilaanyo} Waxaan ku dhiiri galinayaa in uu cadaalad ugu qaybiyo mansabyada ama xilalka uu u magacaabayo muwaadiniinta somaliland sidaasi awgeed waxaan leeyahay madaxweyne waynu ka gudubnay in madaxweynaha qaranka somaliland iyo ku xigeenka madaxweynaha lagu doorto hab-beeleedyo, waxaana aad xilka kala waregtay madaxweynihii hore ee somaliland  Daahir Riyaale Kaahin oo aad kaga guulaysatay doorasho xor iyo xalaal ah 26/ 06/ 2010, Taasi mid lmid ah wuxuu Daahir Riyale doorasho xor ah kaaga helay sanadkii 2003 hadaba mudane M/weyne shacabka somaliland way ogyihiin in kursiga u sareeya ee dalku uu u dhaxeeyo guud ahaan muwaadiniinta beelaha somaliland sidaasi awgeed sidoo kale waxay og yihiin  in golaha baarlamaanku yahay gole xilka ku yimaada doorasho xor ah oo ka gudbay saami qaybsigii beelaha somaliland, Hadaba Mudane Madaxweyne dhismaha qaranka somaliland wuxu ku dhisan yahay go’aankii madaxbanaanida ee 1991 ay wada qaateen guud ahaan  beelaha kuwada nool dalkan somaliland way u siman yihiin dhib iyo dheef wixii dalka ka socda ama kala soo gudboonada sidoo kale way u siman yihiin naf iyo maaliyadba inay u huraan dalkooda hooyo, Hadaba Mudane Madaxweyne Adiga oo ah Madaxweynaha shacabka somaliland mucaarid iyo muxaafidba madaxweyne adigaa ah gudoomiyaha golaha fulinta oo ah xukuumada ama golaha wasiirada madaxweyne adigaa ah masuulka ugu sareeya qaranka somaliland madaxweyne adigaa ahastaanta midnimada shacabka somaliland sida ku cad sharciga qaranka somaliland madaxweyne adigaa ah masuulka awooda u leh magacaabista iyo xilka qaadista madaxda qaranka ee wasiirada iyo hay,addaha qaranka, Madaxweyne waxaa kugu waajib ah inaad u cadaalad samaysid saami uqaybinta xilalka guud ahaan beelaha somaliland, sidaasi awgeed mudane madaxweyne qaranka somaliland waxa wada leh shan beelood oo ALLAH Kuwada Uumay Shantaasina waxay kala yihiin:- Beesha Harti, Beesha Isaaq, Beesha Samaroon, Beesha Ciise, Iyo Beesha Shanaad oo noqonaysa beelaha koobkooban oo aan beel isugu uruurshay.

Hadaba mudane madaxweyne aniga oo aan sigaar ah kuugu dhaliilayn qodobkan saami uqaybinta beelaha somaliland oo ay dhaliisha kula wadaagan madaxweynayaashii kaa horeeyay waxaan ku leeyahay Madaxweyne Axmedoow beesheenu xaq uma helayso inay u abtirsato mansabyada ama ilalka aad magacawdo ee shanta beelood ayaa wad leh in saami loogu qaybiyo sidaasi awgeed mudane madaxweyne waxaan kugu dhiirigalinayaa inaad dib u eegis ku samaysid saamiga beelaha Harti, Ciise, iyo beelaha shanaad oo ka kooban ilaa sideed beelood oo yaryar sidaasi darteed waxaan ku soo koobayaa mawduucan oo ah mid kor u qaadaya midnimada shacabka somaliland madaxweyne beeshenu maaha boqortooyada xilalka e waa inaad horseed u noqotaa saami siinta beelaha aan kor ku soo tilmaamay Hadii ALLAH Yidhaa.

WA BILLAAHI TAWFIIQ

Mowliid Aadan Cumar

TelHargeysa 0634410898

Email: mawliid1991@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here