Madaxweyne, Si Hiraalkaagu Midho Dhal U Noqdo Ha Colaadsan Saxaafadda Ee Danta Guud Ka Wada Shaqeeya

0
74

“Saxaafaddu waa xidhiidhiyaha shacabka iyo Madaxda”

 

Qalinkii: Barkhad-ladiif M. Cumar

 

Dalka horumaray waxay saxaafadu u tahay tiirka afraad ee dawladdu ka kooban tahay, dawladdu waxay ka kooban tahay fulin, sharci dejin iyo Garsoor, waxa hadda lagu daraa oo kaalin weyn oo aan laga maarmi Karin noqotay warbaahinta oo awood aan la dhayalsan Karin ah.

 

Dunida horumartay waxa horumarkaasi kaalin muuqda ka qaatay waa saxaafadda oo ay u jiheeyeen dhanka wanaagsan, saxaafadu waa laba seef dhan xun iyo dhan wanaagsanba way leedahay, laakiin hogaamiyaha wanaagsan waxa uu uga faa’iidaysta dhanka wanaagsan.

 

Hogaamiyaha musuqmaasuqa, eexda iyo qaraabo kiilka neceb, hogaamiyaha maamul wanaaga iyo inuu dalkiisa horumar gaadhsiiya doonayaa wuxuu soo dhoweysta saxaafadda oo uu ogsoon yahay inuu yahay dariiqa uu uu arrimahasi oo dhan ku gaadhi karo, hogaamiyeyaasha fahansan faa’iidadda warbaahintu waxa uu aqoontooda dhisaa oo uu tobabaro ay ku jiraan nooca loo yaqaan baadhitaanka warbaahinta (Investigate journalism ) oo ah saxaafada baadha ama waaxda dabagalka saxaafada oo baadha Musuqmaasuqa, maamul xumadda, dulmiga iyo awood maroorsiga mararka qaarkood ka dhaca madaxda qaarkood, waxaanay hogaamiyaha wanaagsan ka caawisa inuu wax saxo oo marka wax la soo bandhigo uu dabagal ku sameeya inay run tahay iyo in aanay jirin, waxa hogaamiyaha hiraal leh ka dhigtaan warbaahinta muraayad ay isku daawadaan oo uu isku saxo, waxaanay warbaahintu hogaamiyahaasi siisa talooyin ay kaga bixi lahaayeen malaayiin dollar oo lataliyeyaal kaga bixi lahaa.

 

Sida aan anigu aaminsanahay dal hadayna jirin warbaahin madax banaan waxa dhaca dulmi, ku takri fal awoodeed iyo isku xidhnaan la’aanta bulshada iyo dawladda oo mararka qaarkood waxa jira in madaxda qaarkood aanay udhaqmin inay dhaarteen oo ilaahay arkayo balse kaliya iska ilaaliya in warbaahintu soo bandhigto oo mararka qaarkood marka ay  ficil khaldan sameeyaan dib uga noqda ka dib marka warbaahintu iftiiiso khaladkiisa.

 

Tan iyo intii Somaliland ka goosatay Soomaaliya, waxa Somaliland la bilowday warbaahin madax banaan, waxaana si weyn ugu amaanayaa madaxweynihii hore ee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal oo isagu fahansanaa doorka warbaahinta u leedahay dawladnimadda, inkastoo marar badan isku dhaceen warbaahinta haddana ma dhicin in xarun warbaahin la iska xidho way dhacday in wakhtiyo kala duwan tifaftirayaal la xidhay waana bani’aadan wariyuhu wuu khaldanaan kara ama waa lagu gafi karaa, laakiin marna muu samayn inta taariikhda aan ka hayo inuu xarun dhan xidho ama albaabada u laabo bal wuxuu isku dayi jiray in warbaahinta madax banaan intuu u yeedho si xor ah su’aalo loo waydiiyo, intaan ogahay wuxuu ahaa nin aad u akhriyi jirin jaraa’idka oo mararka qaarkood maqaalada isaga ku socda ka soo jawaabi jiray, hadii aad aragto madaxweyne warbaahinta la socda waxa uu la socda marxalada kala duwan ee dadkiisa oo maalin walba waxa la baahiyaa waa dhibaato dalka ka taagan oo loo gudbinayo cidii wax ka qaban lahayd oo ah xukuumada marka jirta.

 

Tusaale ahaan sida Buuga Duco Qabe ee madaxweyne Cigaal laga qoray waxa ku jirta wargeyska Jamhuuriya oo war ka qoray Cisbitaalka Hargeysa oo hooyo danyar ah oo aan lacag haysan markii lacag ay ku umusho wayday ee albaabka laga xidhay in cisbitaalka hortiisa ku dhashay, madaxweyne Cigaal markii uu aroortii warkaasi akhriyey markiiba wasiirkii Caafimaadka ayuu qoraal dheer usoo qoray uu leeyahay siday arrintaasi u dhacday iiga soo war bixi iyo sababta hooyada lacag loogu xidhay, isagoo wasiirka ku amrey in waraaqdaasi dhakhaatiirta ka hor akhriyo, isagoo dhakhaatiirta xasuusiiyey in markii ay qalin jabiyeen loo dhaariyey in qofka bugaanka ah ee horyaala aanay lacag waydiin ee xirfadda uu bartay ku badbaadiyo, marka madaxweynuhu hadii aanay dhacdadaasi warbaahintu soo tabin muu ogaadeen wasiirkana kuma amreen inuu waydiiyo siday arrintaasi foosha xun u dhacday.

 

Warbaahinta Somaliland waxay qayb ka ahayd hub ka dhigistii Somaliland, waxaanay shacabka bartay in intii qori uu isticmaali lahaa uu qalin isticmaalo oo halkii barigii hore dhici jirtay inuu qofku uu qori caaradii u adeegsan jirey ninka is hayaan ama uu wax ka tirsanayo in warbaahinta u bedeshay inuu qoraal isticmaalo oo tusaale ahaaan “qof shacab ah ayaa masuul xil haya awood dawladeed u adeegsaday dhul ama arrimo ay isku hayaan, halkii uu muwaadinkii qori usoo qaadan lahaa si uu dulmigaasii uu aaminsan yahay inuu awoodda dawlada wax ku fashanayo ugu jawaabi lahaa waxa loo bedelay inuu warbaahint ka hadlo oo cadhadii haysay marka uu warbaahinta ka hadlo ka degto, isla markaana ku ciil baxo oo uu ku ilaawo dulmigi uu tirsanayey, waxaad arkaysa nin cadhaysan oo marka uu qoraal kuu keeno uu qof ku maagayo marka aroortii uu jaraa’idka ku arko isagoo faraxsan aad arkayso kii hebel ma arkaysay dhulkaan la dhacee mar hadii aan dadka tusay dulmigi uu igu sameeyey imika nafisayaa, taasina waxay yaraysay gacan ka hadalkii qofka cadhooddaa qori uun isticmaali jirey.

 

Sidoo kale, waxa la ii sheegay in wakhtigi uu madaxweyne Cigaal xilka hayey inuu Idaacadda laga siidaayey hees lagu amaanayo, isla madaxweynihii inta uu idaacada tagay uu ku amray in aan mar dambe heestaasi la saarin, waxaanu u sheegay in dhirta iyo deegaanka ku fican tahay in la aamaano balse qof bani’aadam ah oo muddo gaaban xil haya hadhowna dhimanaya in heeso lagu amaana aanay fiicnayn, taasina waxay keentay in madaxdii ka dambaysay jidkaasi wada maraan oo warbaahinta laga saarin sida kalitaliyeyaasha heeso lagu amaanayo, waana sababtu dadku u neceb yihiin guul wadeynta waayo 21 sanno ayuu Soomaaliya dhakada ka haystay kalitaliye jecel amaanta, boqolkii heesood ee loo sameeyeyna isagay la dhinteen, sidaas darteed ma fiicna hees amaan ah oo qof muddo gaaban joogaya dunida  lagu amaano heestuna la galbato isaga.

 

Aan dib ugu soo noqdo mawduucaygii madaxweynah cusub waxa la gudboon inuu saaxiib dhow la noqdo warbaahinta oo aanu colaadsan,isla markaana uu fahmo inay isku ujeedo wada yihiin, oo laga wada shaqeeyo horumarka qarankan iyo sidii uu u gaadhi lahaa dalalka horumaray,isla markaana dawlad wanaaga iyo hadaladda madaxweynuhu ku hadli jiray wakhtiyadii ololaha ee la dagaalanka Musuqmaasuqa, cadaalad darada, eexda, faqriga, sharciga oo sareeya intaaba warbaahintu way kala shaqayn karaysa waana inta u badan ee warbaahinta wax ka qorto ama ka hadasho, waxa kale oo uu uga faa’iidaysan kara wacyigelinta dadka, wax soo saarka, jiheynta dadka, mideynta iyo hadba marxalada taagan ee wax lagu saxayo.

 

Way dhici karta wariye khaldan laakiin lama odhan karo way wada khaldan yihiin ama masaal lagama soo qaadan karo qof, sida uu siyaasi khaldan u jiro sida uu wadaad qalooca u jiro iyo sida ganacsade qalooca u jiro ayey iyaguna u yeelan karaan saxafi qalooca, marka qofkii qalooca tusaale uma aha inta ka badan, sidaas darteed danta qaranku wuxuu ku jira in hal ujeedo oo laga midaysan yahay jirto sida qaranimada looga wada midaysan yahay ayaa arrimaha bulshada muhiimka  u ah saxaafaddu ka midaysan tahay, saxaafadu kaliya waxay baadhaan ama eegta uun hadba wixi qalooca, hadii sharci jabin tahay hadii dulmi cid laga gallay tahay iyo haday dawladnimada cidi hagardaamo ku tahay intaaba dagaal bay kula jiraan.

 

Warbaahintunna waa habka kaliya ee dawladu fariimaheedda ku gaadhsiinayso, halka shacabkana fariimahoodda usoo marinayaan madaxda xukunta, waa halka shacabka warka ka helo, madaxduna warka shacabka xukumayeen ka helaan, sidaas darteed waxa loo baahan yahay uun la isla jaan qaado mar hadii dan guud uun la wada qabanayo wixii wada shaqaynta wax u dhimanayana laga qabto.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here