Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Qalinka Ku Duugay, Wa-ka-beddel iyo Kaabisna Ku Sameeyey Xeerka Codbixiyeyaasha Doorashooyinka

0
15

Madaxweyne Siilaanyo Oo Digreeto Ku meel mariyay Dhaqan-galka,Wax-ka-bedelka Iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha

 war-saxaafadeed ka soo baxay aqalka madaxtooyada Somaliland ayaa u dhignaa sidan:

madaxweyne siilaanyoMadaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo sumadiisu tahay JSL/M/WM/240-2867/122014            ku meelmariyey, Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

Madaxweynuhu:-

 

Markuu Arkay:         Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay:         Qodobka 75aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markuu Arkay: Go’aanka Golaha Wakiillada Go’aan Lr. GW/G/KF-27642/2014 ee ku taariikhaysan 06/12/2014 ee ay ku ansixiyeen Wax-ka-bedelka  iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007

 Wuxuu soo saaray Xeerkan oo lagu baahinayo Dhaqan-galka Wax-ka-bedelka          iyo Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Codbixiyayaasha Xeer Lr. 37/2007.

 ALLAA MAHAD LEH

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here