HUBAALMEDIA.COM
Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Dhallinyarada Dalka Uu Hiiliyey, Una Asteeyey Maalin Gaar ah Oo Ay Qaranka Ku Yeelan Doonaan
February 19, 2017 - Written by Mustafe Faro

Hore ayuu madaxweynuhu Dhallinarada Dalka Uga Furay Dabarkii Siyaasadeed Ee Manaasiibta Siyaasiga ah u Diidayey, Waxana xukuumaddiisa Xilal sarsare ka Haya Da’yartii Ugu Tirada Badnayd Ee Abid Xayndaabkaas Ka Gudubta

Dhallinyarada Waddanka Oo Aan Weli Ka Fal celinin Dedaalka Madaxweynaha Iyo Dhaliilaha dul-hoganayaMansabyadii Lagu Aaminay Oo Bulshada Niyad jabisay

Madaxweyne_Siilaanyo2013

Hargeysa: (Hubaal)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa go;aan taariikhi ah mar kale ugu hiiliyey dhallinyarada waddanka, waxana uu wareegto madaxwweyne ku asteeyey maalin gaar ah oo ay dhallinyaradu si gaar ah u yeelan doonto oo si sanadle ah loo xusi doono.

Madaxweyne Siilaanyo oo shalay waddanka ka dhoofay, ayaa ka hor intii aanu socdaalin waxa uu soo wareego uu ku sheegay in 20-ka bisha Fabruary oo berri ku beegan ay gaar u yeelan doonaan dhallinyaradu, isla markaana ay sanad walba u dabaal degi doonaa.

Wareegtada madaxweynuhu maalintan kusoo saaray oo kasoo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa waxa ay u dhignayd sidatan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4570/022017 uu ku meel mariyey in maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxweynuhu:

Markuu Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:Codsiga Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, ee summaddiisu tahay WDHC/01/08/17, kuna taariikhaysan 16/02/2017, ujeeddadiisuna tahay Codsi Magacaabid Maalinta Dhallinyarada Somaliland;

Markuu Qiimeeyey:        Ahmiyadda ay Dhallinyaradu u leeyihiin Qaranka Jamuuriyadda Somaliland, isla markaana ay muhiim tahay in la dhiiri-galiyo;

Wuxuu Go’aansaday In maalinta 20-ka bisha Labaad (February) ee sannad walba  loo asteeyey in ay ahaato maalinta Dhallinyarada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

In Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu ay hirgeliso xuska maalintaa sannadlaha ah, iyada oo kaashanaysa Hay’addaha ku shaqada leh Arrimaha Dhallinyarada.

ALLAA MAHAD LEH

 Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Afhayeenka Madaxtooyada JSL.

Inkasta oo uu madaxweyne Siilaanyo hiil badan u galay dhallinayrada waddanka, isla markaana uu horeba uga furay dabarkii siyaasadeed ee u diidayey inay mansabyo waaweyn dalka ka qabtaan, ayaa haddana waxa soo baxaya dhaliilo badan oo  lagu arkay da’yartii xukuumadda iyo goleyaasha kala duwan ee qaranka xilalka ka qabatay, kuwaas oo aan weli muujinin wax karti iyo shaqo-wanaag ah oo ay kaga duwan yihiin siyaasiyiintii waayeelka ahaa ee iyaga ka hor shaqooyinka qaarkood soo maamuli jirey oo ay dhallinyaro ahaan aad uga caban jireen.

Dadweynaha ayaa iyagu arrintan markhaati ka ah, waxana ay niyad-jabka ugu weyni soo baxay markii ay dhacday doorashadii goleyaasha deegaanka ee 2012-kii dalka ka dhacday, taas oo ay kusoo baxeen dhallinyaradii ugu badnayd oo noqday wax ma tarayaan aan bilaale caanaynin, iyada oo ay shacabku dareemayaan in goleyaashii ka horeeyey oo dad da ah u badnaa kuwan xilligan jooga ka wanaagsanaayeen.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews