Madaxweyne Siilaanyo Oo Mar Kale Eedo U Jeediyay Mucaaridka Iyo Geenyo Hadyad Ah Oo Ay reer Gar-adag Kala Hor-tageen Weftigiisa

0
42

Garadag (Hubaal):Madaxweyne Siilaanyo iyo waftiga u hoggaaminayo ee Socdaalka ku jooga Gobollada Bari ee dalka, ayaa soo dhaweynno soo jiidasho mudan kala kulmaya deegaanada ay marayaan, waxana Shacabweynaha Reer Gar-adag oo kamid ah Goobaha waftigaasi sii mareen Madaxweynaha ku maamuuseen hadyad aad u qaali ah oo madaxweynaha si weyn u farxadgelisay. siilaanyo iyo xukuumadiisaReer Gar-adag oo xiiso gaar ah u qabay madaxweynaha iyo waftigiisa, ayaa madaxweynaha midigta ka geliyey Geenyo lammaan oo waliba dhalmo-cusbo ah, waxana madaxweynuhu midigta qabsaday Geenyadaas isagoo ay wajigiisa ka muuqatay farxad aad u ballaadhani.  Hadyadda Reer Gar-adag madaxweynaha Midigta ka saareen, ayaa ah xoolo Dadka soomaalida ahi si weyn u tixgeliyaan, waxana taasi markhaati ka noqonaysa sida madaxweynuhu ugu farxay xilligii la guddoonsiinayey. Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ka hadlay dhaliilaha mucaaradku u jeediyo xukumaddiisa, ayaa ku dooday in mucaaradku yihiin kuwo xaqiiqda ka qarsada indhaha, waxaanu sheegay in xukumaddiisu wadayso shaqada horumarka ku saabsan ee ay bulshada u hayso. Madaxweyne Siilaanyo, oo ku guda jira safar uu ku marayo gobolada bariga Somaliland ayaa waraysi o uu siiyay Telefishanka qaranka waxa uu ku sheegay in xukumaddiisu ku hawlan tahay wax u qabashada gobolada dalka gaar ahaana kuwa bari sida gobolka Sool. “Horta mucaaradku waaba Mucaarad. Mar hadday mucaarad yihiina waxaa la arkaa in qaar badani indhaha ka qarsadaan xaqiiqo jirta laakiin, runtii anagu mucaaradka raali galin mayno, cida aanu u shaqaynaynaana mucaaradka maaha ee waxa na doortay waa Ummadda Somaliland oo na xil saartay. Waxa aanu raali galinaynaa, wax u qabanaynaa waa dalka, Indhihii caafimaad qabaana way arkayaan wixii la qabtay,markaa taasi mid aanu ka baydhayno maaha, hawsheeda waanu wadnaa, way sii kordhaysaa INSHA ALLAH maalinba maalinta ka dambeysaa inaanu dalka wada gaadhsiinno wadooyinka iyo baahiyaha kale ee jira, taasna waa waajib na saaran.” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo. Madaxweynaha oo bulshada farriin u diray ayaa sheegay in shacbiga Somaliland yahay dad wanaagsan “Waxaan leeyahay aan isku xidhnaano, aan wada jirro, aan dalkeena horumarinno, aan nabada ka shaqaynno, yaynaan dhegaysan wixii xumaan iyo dhibaato inoo soo jiidaya, wanaaga iyo horumarinta dalka aan ka wada shaqaynno, caafimaad iyo wanaagna waan ugu ducaynayaa dadkayga meelay joogaan ba.” ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here