Madaxweyne Siilaanyo Oo Shacbiga Iyo Goleyaasha Qaranka Somaliland Ka Tacsiyeeyay Geerida Marxuum Xildhibaan Miigane

0
20

TACSI MADAXWEYNE…..IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo maanta 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

siilanyo-tacsiMadaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka soo shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isaga oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakhtigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here