Madaxweyne Siilaanyo Oo Xilka Ka Qaaday Hanta-Dhawrihii Guud Ee Qaranka

0
154

Hargeysa (Hubaal) Madaxweyne Siilaanyo ayaa xilka ka qaaday Hanti-dhawrihii guud ee qaranka Somaliland Maxamuud Aw Cabdi Ibraahim (maxamuud Dheere), sida lagu sheegay Wareegto uu ku saxeexan yahay afhayeenka aqalka madaxtooyada oo Nuqul kamid ahi HUBAAL soo gaadhay, una dhignaa sidan;

WAR-SAXAAFADEED

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XILQ/249/1-4946/072017 uu xilkii kaga qaaday Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka.

Waxaanay u dhignayd digreetada madaxweynuhu sidan:-

Ku:      Mudane, Maxamuud Aw Cabdi Ibraahin (Maxamuud Dheere)

Hanti-dhawrihii Guud ee Qaranka

Og:      Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka

Og:      Xisaabiyaha Guud ee Qaranka

Og:      Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ujeeddo:        Xil-ka Qaadis

Mudane,

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad soo haysay xilka Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Haddaba, waxaan gartay in aan kaa qaado xilkaas, waxaanad ku wareejin doontaa Ku-xigeenka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, oo si ku meel-gaadh ah u sii hayn doona, inta aan u soo magacaabayo mas’uul ku habboon xilka Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)

Af-hayeenka Madaxtooyada JSL

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here