Madaxweyne Siilaanyo-oy Wixii Shalay Kula Xummaa,Maanta yaanay Kula Ficnaan “Hana Talin Masiibiyo Wax Makhluuqa Kala Dila” Dr Keyse Yaasin Da”uud

0
20

Akristayaal sida aad ka wadaa-war qabtaan waxaa maalintii shalay dalka dib ugu soo laabtay musharaxa madaxweyne-nimo ee xisbiga Ucid, aqoon yahan Jamaal Ali Husein.kaaso ay ka hor taggeen quwad aad u ballaadhan oo ah, taageerayaasha  xisbiga Ucid.  Kuwaaso wataa calanka Doogga ah ee saadiya barwaaqadda si nabad Gelyo ahnaa u maraayeey dariiqyadda . Ayaa sidaa caadaada u noqotay xukuumadda Kulmiye, waxaa ay soo dirtay ciidamadda ay magac -yadda  faraha badan ay bulshaddu u bixisay,kuwaaso tacaaddi aad u badan kula dhex-dhacay taageerayaashi xisbigaasi, iayaaggo ku sammeeyeey baadhis iyo fantishaad aan qaban,halka ay kuwo kaleenna xabsigga ay wali ku jiraan.

Waxaanay markii danbe ciidamaddu si toosa isku hor-taageen musharaxa madaxweyne-nimo ee xisbigga Ucid,aqoonyahan Jamaal cali Huseen iyo musharax ku xigeenka cabdi rashiid xasan mataan oo Hoggaaminyaa Kummayaal taageerayaal ah.taaso loo diiday in ay maraan wadaada tooska u tagtaa xaruunta dhexe ee xisbiga Ucid  Taasi waa calaamadaha Dig-teetaradda .

 DSCF5875

Hadaba madaxweyne markaad mucaaridka ahayd,wixii aad ka caban jirtay maanta inaad ku dhaqantaa waa xaaran,waana ballan darro, waxaanad tahay ninka Somaliland maanta ugu da’da weyn. Dib waxaan ku xasuusinayaa inaad nebcayd cabudhinta warbaahinta , shacabka iyo  cidkastaa oo aan xadhiggooda lo marin sifo aan sharci ahayn taas maanta waxaad ka dhigtay hal bacaad lagu lisay. Waxaa kale oo hadalaadi ku jiraa oo aad dawladi hore ku eedeyn jirtay hanta Boobka,cadaaladda darradda ka jirta Garsoorka.

Madaxweyna kaamma yeelayno inaad mar-baa muraayadda noo-soo xidhato,dadkini waxay ka dagaalameen  oo ay siyaad kula daagalameen,waad og-tahay in aanay waxba ka rabin balse ay diidanaayeen oo Keliyaa,cadalad darradda , car-juuqdhehda iyo ficiiladdan manta aad ku dhaqmayso.

Tallo soo Jeedin,waxaan shacabka reer Somaliland usoo jeedinayaa,Dabkii baxaayaa dad lagu qabsada ayeey ku maah-maahda soomaaliduye inay taageerayaan oo ay codkooda siiyaan musaharxiinta da”da Yare e ka dhex-sharaxan xisbiga Ucid ee ah labada aqoon-yahan waa Jamaal cali xuseen iyo musharaxa madaxweyne Ku xigeen,aqoonyahan Cabdi rashiid xasan mataan oo aan odhan karno waxay yihiin ilays usoo baxay Somaliland,waxaana inaaggu waajib ah in aynu dooranno kuwaas,maadaama aynu u baahnay cid Horumar ballaadhan samaysaa oo higsiga somalialnd inaa gaadhsiiya  maadaama oo aynu aragnay hoggaaminta labada musharax ee Kale,midna toban sanno Baarlamaanka Fadhiyo midna afar sanno dalka ba’biyeey  markaas iyaaggu waa isma dhaanto iyo dhasheed.

Keyse Yaasin Da”uud

Guddoomiyaha xaafadda sheikh Nuur ee xisbiga Ucid.

Tel: 4114320

Hargeisa/Somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here