Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Magaaladda Muqdisho Ku Daah-Furay Shirkadda Caymiska Ee Takaful

0
15

Muqdisho(Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daah furey Shirkadda Caymiska ee Takaful Afrika, laanteeda Soomaaliya.

xasan sheekhMadaxweynaha ayaa ugu horeyn hambalyo u direy ganacsatada iyo mas’uuliyintii suuragelisey in shirkaddan ay ka hawlgasho Soomaaliya. “Waa markii ugu horeysey ee muddo 25 ah kadib shirkad baaxaddan leh oo dhinaca caymiska ay ka hawlgasho Soomaaliya, hambalyo ayaana idin leeyahay, waxaana idin ku boorinayaa inady adeeggiina ku baahisaan Soomaaliya oo dhan, dhab ahaantiina talaabada aad qaadeen waa mid ku dayasho mudan’’.

Madaxweynayha ayaa sidoo kale ku booriyey hay’adaha dhaqaaalaha iyo waxbarashada inay xoogga saaraan sidii loo soo saari lahaa xirfadleyaal aqoontooda sareyso oo adeegyadan caymiska iyo kuwa kale ee dhaqaalaha bulshada u fidiya.

Munaasabadan waxaa kaloo ka Hadley Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Xuseen, Guddoomiye ku Xigeenka Bankiga Dhexe ee Soomaaliya Maryan Cabdullaahi Yuusuf iyo mas’uuliyiin ka tirsan Shirkada Caymiska Takaful oo dhamaantood ka sheekeeyay faa’iidada  ay shirkadani uleedahay dalka.

 shirkadda Takaful Africa oo ah shirkad dhanka caymiska ayaa dhawaan sidoo kale lagu daah furay dalka Somaliland gaar ahaan magaalo madaxda Hargeysa oo ay ka bilawday hawleehada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here