HUBAALMEDIA.COM
Madaxweyneyaasha Djibouti & SUDAN Oo Cirka U Calaamadiyey Hoggaamiyeyaasha Socod-baradka Ah ee IGAD
September 14, 2016 - Written by Mustafe Faro

 Ismaaciil Cumar Geelle Oo Diyaaraddii Uu Saarnaa Dib Uga Noqotay Hawada Xamar Iyo Cumar Xasan Al-bashiir Oo Ka Cudur-daartay Ka Qayb-galka Shirka

shirka-igad-ee-muqdisho-ka-qabsoomayMuqdisho (Hubaal):- Madaxda Urur-goboleedka IGAD, ayaa markii ugu horreysay Shir Hal maalin ah soconayay uu shalay uga furmay, isla shalayna ugu dhammaaday   magaalada Muqdisho ee  dalka Soomaaliya. Shirkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee noociisa ah ee Soomaaliya lagu qabtay wixii ka dambeeyey burburka dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii.

Shirkaas oo uu si rasmi ah uu u furay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud,  ayaanay Madaxweynaha Sudan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ka mid ahaa Madaxweynayaasha Shirkaas lagu casuumay iyagu ka soo qaybgelin oo ka baaqday, isagoo Madaxweynaha Sudan ka cudur-daartay imaatinka shirkaas, beddelkiisana Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsan soo wakiishay.madaxweynayaasha-jabuuti-iyo-sudan

Halka Madaxweynaha Jabuuti Diyaaraddii sidday la sheegay inay Cilladi ku timi oo ay Jabuuti dib ugu noqotay isla shalayba, beddelkiisana ay Shirka ka qaybgaleen Masuuliyiin dowladdiisa ka tirsani sida uu xaqiijiyey Danjiraha Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan (Belelloo) oo Warbaahinta la hadlay markii la shaaciyey in Madaxweynihiisu dib uga laabtay Hawada sare ee Soomaaliya. Balse waxa fadhiistay oo Marti ahaa  Madaxweynaha Kenya, Raysal-wasaaraha Itoobiya iyo weliba Madaxweynaha Soomaaliya oo isagu shirka furay  martina loo ahaa. Ergooyinka  kale ee madasha ku sugnaa  shirkana fadhiyey waxaa ka mid ahaa  hoggaamiye-yaasha dalalka  Kenya Uhuru Kenyatta, Uganda Yoweri Museveni iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn iyo Soomaaliya iyo weliba Masuuliyiin ka socday dalalka Sudan iyo Sudanta Koonfureed. Shirkan oo la filayay in uu qabsoomo sabtidii aynu soo dhaafnay ee toddobaadkan oo dib u dhac ku yimi ayaa shalay furitaankiisu dhacay, waxaanu noqonayaa  shirkii ugu horreeyey ee noociisa ah ee magaalada Muqdisho ka dhaca muddo 30 sano ku dhow, si kale haddii loo dhigana waa markii u horreysay ee magaallada Muqdisho lagu qabto shirka urur gobolleedka wadammada bariga Afrika ee IGAD tan iyo markii la aasaasay sanadkii 1986-kii.    Ajendaha Kulankan urur-gobolleedka Wadamada IGAD ku bahoobeen ayaa qoddobada dooddooda diirrada lagu saaray isla markaana lagu falanqeeyey waxaa ka mid ahaa  amuuraha doorashooyinka iyo nabadgelyada ee dalka Soomaaliya  iyo sidoo kale qalalaansaha ka taagan Sudan-ta Koonfureed, sida uu Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC-da u sheegay Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Mr. Cabdisalaan  Hadliye. Urur-goboleedka IGAD, waxaa xubno ka ah Waddamada Itoobiya, Uganda, Jibuuti, Kenya, Sudan, Sudan-ta Koonfureed iyo Soomaaliya. Calammada dalalka IGAD xubnaha ka ah, ayaa la sudhay Garoonka Diyaardaaha ee Muqdisho iyo Goobta Shirkaasi ka socdo ee Huteel Peace ee isla Muqdisho. Nabadgelyada guud ahaan magaalada Muqdisho, ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo maalmihii la soo dhaafay Gaadiidka laga mamnuucay ama laga joojiyey in ay isticmaalaan ama maraan waddooyinka magaalada qaarkood. Waddada tagta Garoonka Diyaaradaha Aadan-cadde iyo Waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, ayaa laga mamnuucay inay maraan ama isticmaalaan Baabuurta kala duwan iyo Dadka lugaynaya, marka laga reebo Baabuurta Hay’adaha Ammaanku wataan oo keliya.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews