Madaxweynihii Hore Ee Dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo Oo Shalay Booqasho Rasmi Ah Ku Yimid Somaliland Iyo Nuxurka Kulan Uu La Qaatay Madaxweyne Biixi

0
1

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa Qaabiley Olusegun Obasanjo Oo Casuumad Uu Ka Helay Xukuumadda Somaliland Ku Yimid Hargeysa

Siyaasigan Oo Caan Ka Ah Qaaradda Afrika Isla-Markaana Lagu Xasuusto Inuu Talada Dalka Nigeria Oo Uu Muddo Dheer Gacanta Ku Hayey U Wareejiyey Si Dimuqraadi Ah

Hargeysa (Hubaal) Waxa shalay oo axad ahayd Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, lagu soo dhaweeyay Olusegun Obasanjo oo Dalka Nigeria Madaxweyne ka soo ahaa 1999 illaa 2007-dii.

Olusegun Obasanjo ayaa Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa waxa ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Md. Cabdiraxmaan-Saylici iyo Xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada.

Siyaasigan oo caan ka ah Qaaradda Afrika isla-markaana lagu Xasuusto inuu Talada Dalka Nigeria oo uu muddo dheer gacanta ku hayey u wareejiyey si dimuqraadi ah, ayaa la sheegay inuu Somaliland ku yimid Casuumad uu ka helay Xukuumadda Somaliland.

Siyaasigan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba bilood gudahood ah Somaliland ku yimaadda booqasho, waxaana sidan oo kale booqasho ugu yimid Wasiirka Arrimaha dibedda Eriteria

Obasanjo ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabilay, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay xarunta madaxtooyada Somaliland, kaasi oo soo gaadhay wargeyska Hubaal, waxaana isagoo qoraal ah uu u dhignaa sidan;

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu maanta (shalay) xafiiskiisa ku qaabiley Madaxweynihii hore ee dalka Neyjeeriya, Mr Olusegun Obasanjo oo imikana ah Guddoomiyaha hay’adda Brenthurst Foundation oo ka shaqaysa horumarinta dhaqaalaha Afrika iyo hirgelinta nidaamyada caalamiga oo xarunteedu tahay dalka South Africa oo waddanka ku yimid marti-qaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horayn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu uga mahadnaqay booqashada uu ku yimid Somaliland, waxaanu warbixin guud ka siiyey Marxaladihii kala duduwanaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland iyo wakhtigan halka ay marayso, waxaanu madaxweynuhu u sheegay Olusegun Obasanjo, in shacbiga Somaliland xasuusan yahay guddidii xaqiiqo raadiska midawga Afrika u soo diray 2005-tii Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ahaa gudoomiyihii midawga Afrika ee xiligaas, si ay uga sameeyaan warbixinno la xidhiidha qaddiyadda Madax-bannaanida Somaliland, maanta oo uu ku sugan yahay Somaliland-na ay guud ahaan indhaha Jamhuuriyadda Somaliland muddo 28 sano ah ay soo eegayeen madaxda, siyaasiyiinta iyo odayaasha Afrika ee uu ka midka yahay, kana dhursugayaan sidii ay Afrika uga heli lahaayeen waxa ay ka mudan yihiin oo ah aqoonsi ay ka helaan afrika inteeda kale iyo beesha caalamka.

Madaxweyne Olusegun Obasanjo oo xukunka dalkiisa hayey intii u dhaxaysay 1999-2007-kii, islamarkaana Midowga Afrika hoggaaminayey intii u dhaxaysay 2004 ilaa 2006, ayaa safarkiisani waxa uu qaadan doonaa muddo laba maalmood ah, isagoo booqan doona xafiisyo kala duwan oo dawladdu leedahay.

Kulanka uu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la qaatay madaxweynihyihii hore ee dalka Neyjeeriya Olusegun Obasanjo, ayaa waxa ku wehelinaayey madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi  Ismaaciil (Saylici), gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali waraabe), wasiirrada arrimaha gudaha, iyo  hawlaha guud, wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, wakiilka Somaliland u qaabilsan midawga Afrika, maayarka caasimada Somaliland iyo agaasimaha guud ee madaxtooyada.”

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

SHARE
Article hore“Talo Lexjeclo leh oo ku socota Madaxweyne Biixi iyo Wasiir Kaahin”- W/Q: Cabdillaahi Ibraahim X. Xasan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here