HUBAALMEDIA.COM
Magacaabistii Gobollada Iyo Degmooyinka Cusub Miyaannay Waxba Uga Dembeyn!!!?
September 11, 2016 - Written by admin

Qalinka:- Garyaqaan Muuse Yuusuf

garyaqaan-muuse-yuusuf

Waxa ay madaxweynayaashii u kala danbeeyay xilka madaxweynenimo ee somaliland sameeyen magacaabista degmooyin iyo gobolo cusub kuwaas oo badankoodu salka ku hayso samayntoodu olole siyaasadeed oo u badan marka ay timaado doorasho iyadoo aan loo eegin xeerka ay ku dhisan yihiin gobalada iyo degmooyinku ee XEERKA ISMAAMULKA GOBOLLADA IYO DEGMOOYINKA JSL. ( XEER LR. 23)

kaasi oo ah xeerka ay lagu dhaqaayo gobolada iyo degmooyinka , sidoo kalena waxa uu xeerkani degmooyinka ku ilaalinayaa tayada degmooyinka isagoo dalacsiin iyo hoos u dhigisba ku samaynaya qiimaynta degmanimo kuwa jira iyo kuwa cusuba .

sida ku cad qodobadan .

QODOBKA 2AAD Qaab-DHismeedka Dalka

1.Qaab dhismeedka Dalka JSL wuxuu ka kooban yahay una qaybsamaa Gobolo iyo Degmooyin

2.Caasimada Dalka Jsl waa Hargeysa waxayna yeelan doontaa Xeer u gaar ah

3.Gobolkii hore loo odhan jiray Waqooyi galbeed wuxuu magaciisu isu bedelayaa (Maroodi- jeex)laga bilaabo ansixinta xeerka caasimadda.

QODOBKA 3aad SHURUUDAHA LAGU MAGACAABI KARO GOBOL AMA DEGMO

Shuruudaha (Criteria) lagu magcaabi karo Gobol ama Degmo waxa waajib ah inay ku salaysnaato buuxinta shuruudaha hoos ku qoran:-

1.Baaxada Dhulka ay ku fadhido.

2.Miisaanka iyo Baaxada Dadweynaha Deegaanka ku nool.

3.Wax soo saarkeeda iyo Khayraadkeeda Dabeeciga ah Ee ay leedahay.

4.Isku filaansho iyo hanashada Adeegyada Arrimaha Bulshada, waa in ay degmadu hanan kartaa boqolkiiba lixdan 60% miisaaniyadeeda ugu yaraan

Qodobka 7’aad XUDUUDAHA GOBOLADA IYO SOOHDIMAHA DEGMOOYINKA

Faqrada 5aad

Qiimeynta iyo kala xadaynta degmooyinka “D”,wasaaradda Arrimaha Guduhu waa in ay ku soo dhamaystirtaa muddo aan ka badnayn (laba iyo toban bilood)gudahood oo ka bilaabanta taariikhda dhaqan-galka Xeerkan,iyada oo loo raacayo shuruudaha ku cad qodobka 3aad ee Xeerkan.

Qodobka 8’aad QIIMAYN IYO DARAJO KA BEDELID DEGMO

  1. Degmooyinku waxay ku mutaysan karaan darajo bedelid oo noqon karta dallacaad darajo ama hoos u dhigid darajo, ama waayis marka la qiimeeyo iyada oo laga duulaayo Qodobka 12aad Farqadiisa 1aad Ee Dastuurka iyo Qodobka 3aad Ee Xeerkan.
  1. Xukuumadda waxa waajib ku ah inay dib u qiimayn ku samayso Darajooyinka Degmooyinka B iyo

C, muddo aan ka badnayn (12) Bilood oo ka bilaabanta taariikhda dhaqangalka xeerkan, una soo gudbiso golaha barlamaanka si uu u ansixyo.

Qodobka 9’aad KALA XADEYNTA XUDUUDAHA GOBOLADA & SOOHDIMAHA DEGMOOYINKA

Kala xadeynta Xudduudaha Gobollada iyo Soohdimaha Degmooyinku waa xilka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, iyada oo kaashanaysa Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Qaranka ee qaabka farsamo u soo geli kara, waxana ogolaanaya Golaha Barlamaanka.

Qodobka 10’aad WAX KA BEDDILIDDA QAAB DHISMEEDKA DALKA

Wax ka bedelka tirada Gobollada iyo Degmooyinka ama xuduudahooda iyada oo sababaysan waxa soo jeedinaya Golaha Xukuumadda waxaana oggolaanaya Golaha Wakiilada iyo Golaha Guurtida sida ku qeexan Xubinta 2aad, Qodobka 109aad, Farqadiisa 3aad.

Qodobka 11’aad BAAHINTA AWOODDA ISMAAMULKA

1.Awoodda ismaamulku wuxuu ku ekaanayaa, heer Gobol iyo heer Degmo sida uu tilmaamayo Qodobka 112aad Ee Dastuurka JSL.

2.Degmo kasta waxa ku waajib ah inay suurtageliso hanashada adeegyo bulsho iyo dhaqaale oo xilkoodu saaranyahay; sida caafimaadka, waxbarashada ilaa heer dugsi hoose/dhexe, nabadgelyada gudaha, xanaanada xoolaha, biyaha, nalka, isgaadhsiinta, ilaalinta deegaanka iwm, hadba heerkay hanan karaan.

Marka ay sidan tahay sharciyan miyaanay ahayn iska fool-eri lagu doonayay in cod lagaga helo dadka degmadaas ku dhaqan

Hasayeesha maanta waxa lajooga xiligii sharciga u dajisan la waafain lahaa degmooyinka somaliland ee la sharciyayn lahaa

taas oo dawo u noqonaysa xanuunka bulshadii kusoo kordhay ee degmo raadiska ah , waxaan hubaa in ay yar tahay inta buuxinaysa degmonimoda hadii dib u qiimayn lagu sameeyo sida ku cad Qodobka 8aad ee xeerkan .

waxaan ku dhiiri galinayaa wasiirka cusub ee wasaarada Arimaha gudaha in uu ku dhiirado fulinta qodobada xeerkan si aynu u helno degmooyin sharci ah oo sugan, sida oo kalena uu horgeeyo baarlamaanka marka uu soo qiimeyo degmooyinka cusub iyo kuwa hore ee jira ee xeerku jidaynaayo in lagu sameeyo qiimay; iyadoo la raacayo xeerkan lagu maamulaayo gobolada iyo degmooyinka .

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews