Magacyada Iyo Dalalka Ay Kasoo Jeedaan Labada Qof Ee Ku Guulaystay Abaalmarinta Nobel Peace Prize Ee Sannadkan

0
1

Labadan Qof  Ee Ku Guulaystay Abaalmarinta Nabadda Adduunka Ee Sannadkan 2018  Waxa Laga Soo Dhex Xulay 331 Urur Iyo Shakhsiyaad Oo U Tartamayey Abaalmarintan.

OSLO(Hubaal)- Abaal-marinta  caalamiga ah ee Nabadda ee  (Nobel  Peace Prize),  ayaa  sannadkan la guddoon siiyey Naadiya  Muraad oo u dhalatay dalka Ciraaq iyo Denis Mukwege oo ah dhakhtar reer Congo ah,waxaanay ku mutaysteen siday uga shaqeeyeen xakamaynta  kufsiga xiliyadda dagaalka.

Naadiya  Muraad oo 25 jir ah kana  soo jeeda Qowmiyadda Yasiidiyiinta Ciraaq oo iyada lafteeda ay qafaasheen isla markaana ay kufsadeen kooxda Daacish oo ay ka baxsatay, waxaanay markii dambe isu beddeshay qof si weyn ugu ololeeya joojinta tacadiyada ka dhanka ah qowmiyadeeda. Denis Mukwege oo ah dhakhtar qaabilsan xannuunada haweenka, ayaa daweeyey kumanaan haween ah oo la kufsaday. Labadan qof  ee ku guulaystay abaalmarinta nabadda adduunka ee sannadkan 2018  waxa laga soo dhex xulay 331 urur iyo shakhsiyaad oo u tartamayey abaalmarintan. Guddoomiyaha abaalmarinta nabadda adduunka oo lagu qabtay maanta oo Jimce ah Magaalada Oslo ee waddanka Norway, waxa ka hadlay  Berit Reiss Andersen oo ah Guddoomiyaha Guddidii Nobel Peace Prize, waxaanay si qotodheer uga warrantay kartidii iyo dedaalkii ay labadan guulayste sameeyeen.

Xigasho: Solnanews.com

SHARE
Article horeShirkad Shaacisay Inay Hudheel Casri Ah Ka Binaynayso Magaalo Madaxda Gobolka Saaxil Berbera
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here