MANDHEERA: Magacyada Lix Qof Oo Lagu Fuliyey Qisaas Dil Ah

0
4

Xafiiska Xeer Ilaalinaha guud ee Somaliland ayaa liiska Gacan-ku-dhiigleyaasha oo maanta Lagu Toogtay Tiirka Fagaare Ku Yaalla Xabsiga Mandheera + Magacyada Marxuumiinta Loo Fuliyey Qisaastoodii

Hargeysa (Hubaal) Lix qof, ayaa lagu fuliyey qisaas dil ah, kaddib markii ay Maxkamadduhu hore ugu xukumeen. Munaasibada fulinta qisaasta ayaa ka dhacday Xabsiga magaalada Mandheera, halkaasoo ay subaxnimadii hore ee maanta ka fuliyeen ciidamada Dawladda. Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, ayaa shaaciyey magacyada dadka lagu fuliyey dilka, waxaana ku jira ku xukumane dilka sarkaal ka tirsan Ciidamada iyo kuwo dilal kale loo haystay. Saraakiil ka tirsan Dawladda ayaa Salaasadii u sheegay Gobanimonews in Madaxweynuhu uu saxeexay fulinta qisaasta dad lagu xukumay dil. Warku wuxuu intaasi ku daray in tirada dadka dilkooda la saxeexay ka badnayd toban qof, hase ahaatee warka rasmiga ah ee xeer-ilaalinta guud ka soo baxay waxa uu sheegayaa in lix qof qudha dilkooda shalay la fuliyey.

“Iyadoo la fulinayo amarka Maxkamadda sare, waxa saaka oo ay bishu tahay 15/1/2020, saacadu markay ahayd waxa dil toogasho ah lagu fuliyey gacan-ku-dhiigleyaasha halkan ku xusan” sidaas ayaa lagu yidhi Warsaxaafaddeed ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud.

Magacyada gacan-ku-dhiigleyaasha ayaa kala ah:

1.Qisaas lagu fuliyo Axmed Ibraahim Faarax oo loo dilay dilkii Marxuum Maxamed Cabdi Saleeban

2.Qisaas lagu fuliyo Xasan Maxamed Cismaan oo dilay Dilkii Marxuum Ismaaciil Maxamed Faarax

3.Qisaas lagu fuliyo Khadar Alleel Xirsi oo loo qisaasay dilkii uu u geystay Marxuum Siyaad Cabdi Muxumed

4.Qisaas lagu fuliyo Farxaan Maxamed Xasan oo loo qisaasay dilkuu u geystay Aadan Axmed Muuse

5.Qisaas lagu fuliyo  Caydaruus Khadar Haybe oo loo qisaasay dilkii marxuum Idiris Daa’uud Jaamac.

6.Qisaas lagu fuliyo Cabdilaahi Ismaaciil Xayd oo dilay Marxuum Garaad Aadan Maxamed.

“Dilka ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo ka soo horjeeda xabsiga magaalada Mandheera” ayaa lagu yidhi warsaxaafaddeedka ka soo baxay Xafiiska Xeer-ilaaliyaha guud.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here