HUBAALMEDIA.COM
Maraykanka Oo Asaraar Ku Tilmaamay Eedaha Ku Xidhiidhiyey Af-gembigii Dhicisoobay Ee Turkiga
July 18, 2016 - Written by admin

JOHNWashington (Hubaal)  – Maraykanka ayaa uga digay dawladda Turkiga in afgambigii dhicisoobay ay ku eedeeyaan hay’addaha dawladda Maraykanka, wuxuu sheegay in sheegashadaasi ay tahay “been cad oo dhaawici karta calaaqaadkooda”. Xog-hayaha arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka John Kerry ayaa hadalkaasi jeediyay kaddib markii wasiirka shaqaalaha ee dalka Turkigu uu tilmaamay in Maraykanku ay ka dambeeyeen afgambiga. Madaxwaynaha Turkiga Rejep Dayib Erdogan ayaa Maraykanka ugu baaqay in ay soo masaafuriyaan Fethullah Gulen oo ah sheekh Turkiga u dhashay oo ku nool dalka Maraykanka. Erdogan ayaa ku eedeeyay in uu isagu ka dambeeyay afgambiga, laakiin Gulen wuu diiday eedaymahaas.

Gulen oo jooga gurigiisa oo ku yaalla Pennsylvania ayaa saxafiyiinta u sheegay in uu Turkiga ka maqnaa in kabadan 15 sano uusanna ogayn xataa cidda isaga taageerta ee Turkiga gudahiisa ku nool.

Iskudayga afgambiga dhicisoobay ayaa bilawday habeenimadii jimcaha kaddib markii qaybo ka mid ah millatarigu ay la wareegeen buundooyin halbawle u ah Istanbul ayna weerareen dhismihii baarlamaanka ee Ankara.

Dawladda ayaa sheegtay in ay dhinteen 161 ruux oo shacab ah iyo 104 kuwii afgambiga damcay ah ayna dhaawacmeen1,440 ruux.

Ku dhawaad 3,000 oo askari ayaa la xiray 2,700 oo garyaqaan ayaana shaqada laga eryay sabtidii iyada oo dawladdu doonayso in adkaysato awoodda.

Waxaad Hubaal media kala soo xidhiidhi kartaan E-mailaddan 
Hubaal100@hotmail.com 
Hubaal100@gmail.com
 Hubaal100@yahoo.com
COMMENTS
- A. N. & Horumarka
- Afka Hooyo
- Afnugaal
- Aftahan
- Alaybadday
- Aljazeera
- Aljzeera English
- Allaybday
- Almisnews
- altaqwaa
- Amiin Caamir
- Araweelo News
- awdalpost
- BBC SOMNALI
- Berberatoday
- Berberapress
- Burao university
- Burco Online
- Caroog
- djiboutimedia.com
- Djiboutination
- DJIBOUTI NEWS
- Farshaxan
- Farriinnews
- Gabileymedia
- Gabiley24
- GabIleytoday
- Gabileynews
- GABILEYNEWS
- Geeska.net
- Goljano
- haatufnews
- Hadhwanaagnews
- Hayaannnews
- hornjobs
- Hubaalmedia
- Hargeysa-online
- hoyga suugaanta
- jamhuuriya news
- MURTIMAAL.COM
- Ogaalnews.Net
- Oodwayne News
- puntboys
- qarannews
- Qodaalnews
- Qtlhost Website
- Raadtv international
- Radio somaliland
- Radio Timacade
- Radiohargeysa
- RadioHargeysa24
- Ramaasnews
- Saaxilnews
- SAAXILTODAY
- Sallaxlaynews
- Sanaag.org
- Sanlaawenews
- sdwo
- sheekhumal.net
- Somalilandpress
- Somdaily.com
- Somaligoal.com
- Somaliweyn
- saylanews/a>
- Timacade News
- TogaHerer
- Togdheernews
- tvSomalilandEurope
- Waaheen
- Wanaagfaris
- warya Tv
- Watershed Legal Service
- WAJAALENEWS
- www.caalaminews.com
- www.radiohargaysa.net
- www.Timacade.com
- Xidigtanews
- XOGDOON NEWS
- Xoriyonews