Maraykanka oo Liiska Argagixisada Ka Saaray Zakariye Ismaaciil Iyo Dawladda F.Somalia oo Ka Hadashay

0
18

War saxaafadeed ka soo baxay dowladda Somalia ayaa lagu sheegay in dowladdu soo dhaweyneyso  go’aanka  dowladda Mareykanka ay liiska dadka madaxooda lacagaha abaal marinta dul dhigtey uga saartay Zakariya Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaano Zaki, kaas oo ka mid ah xubnaha ka soo goostey Al Shabaab ee  sheegay inay la shaqeynayaan dowladda.

 zakariya

Dowladda Somalia ayaa sheegtay in talaabada dowladda Mareykanka ay uga saartay Zakariye Ismaaciil, liiskeeda dadka ay argagixisada u doondooneyso -ay ku timid wada xaajood dhex marey dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka, si loo xaqiijiyo looguna abaalmariyo Zakariya Ismaaciil go’aanka uu qaatey ee uu kaga haray wax dowladdu ay ku tilmaantay “ xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab, iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha dowladda Somalia ayaa lagu sheegay in arimahaasi ay ahaayeen shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al Shabab si cafis loogu fidiyo loogana caawiyo inay mujtamaca ku soo dhex noqdaan..

source:voasomali

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here