Maraykanka Oo Noqday Dalka Koowaad Ee Dadka Ugu Badan Lagu Xidho

0
1

Daraasad Cusub Oo Lasoo Saaray Ayaa Lagu Sheegay In Kala Badh Dadka Maraykanka Uu Xabsi Galay Qof Qoyskooda Ka Tirsan

Washington (Hubaal) Ku dhawaad kala badh dadka qaangaadhka ah ee Maraykanka ayaa waxaa la sheegay in qof ehelkooda ah qofkasta uu ku jiro xabsiyada dalkaas sida lagu sheegay daraasad cusub oo lasoo saaray.

Waxaa daraasadda lagu sheegay in hal qof kasta oo ka mid ah 7-dii qofba uu qof ehelkiisa ah xabsiga ku qaatay wax ka badan hal sanno.

daraasadda ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyay jaamacadda Cornell iyo bogga FWD.us oo ka shaqeeya caddaaladda, waxaana lagu waraystay dad kor u dhaafaya 4 kun qof.

Wax ka badan 2 malyuun oo qof oo Amerikan ah ayaa xabsiyada ku jira. Waxyaabaha kale ee daraasadda lagu ogaaday ayaa ah in halkii qof oo ka mid ah shan qof kasta uu waalidkiid galay xabsi. Tirada guud ee dadka qof qoyskooda ka mid ah uu xabsiga galay ayaa dhan 113 milyan oo qof, iyada oo dadka hadda ehelkooda ay xabsiyada ku jiraan dhanyihiin 6.5 milyan oo qof. Dadka Laatiinka ah ayaa iyagu tirakoobka lagu sheegay in boqolkiiba 70% ay u badantahay in qof ehelkooda ah uu xabsiga galo. Qoysaska danyarta ah ayaa iyaguna daraasadda lagu xusay.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here