Maraykanka Oo Si Rasmi Ah U Soo Celiyay Cilaaqaadkii Dublamaasiyadeed Ee Soomaaliya

0
1

Washington (Hubaal) Dawladda Maraykanka ayaa ku dhawaaqday in ay si rasmi ah dib boodhka uga jafayso calaaqaadkii dublamaasiyadeed iyo safaaraddii ay Soomaaliya ku lahayd. Waxayna noqonaysaa markii koobaad ee safaarad Maraykanku leeyahay ay ka hawl gasho Muqdisho mudo soddon sano ku dhaw, sida lagu sheegay war saxafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka.

Haweeney af-hayeen ah oo u hadashay waaxda arrimaha dibadda Mareykanka oo lagu magacaabo Heather Nauert ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid taariikhi ah isla markaana ka turjumeysa horumarka Soomaaliya.

Warka waaxda arrimaha dibadda ka soo yeeray ayaa lagu sheegay in tallaabada uu Mareykanka qaaday ay dhigan tahay sida Mareykanka ay uga go’an tahay xoojinta xasiloonida, dimuquraadiyadda iyo horumarka dhaqaale ee danta u ah labada dal.

Safiirka cusub ee Soomaaliya Donald Yamamoto ayaa durbaba ka hawlgalaya safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Mareykanka ayaa albaabada u laabay safaaraddiisa markii ay billawdeen colaadaha sokeeye, taas oo keentay in milatariga Mareykanka uu safiirkoodii xiliigaas iyo shaqaale kale oo Mareykan ah uu ka soo daad gureeyo Muqdisho.

Sannaddii 1993 Mareykanka waxa Muqdisho lagaga soo riday labadii diyaaradood ee qumatiga u kacayay ee la oran jiray Black Hawk halkaas oo 18 askari oo Mareykan ah lagu dilay.

Waxaa sidoo kale dagaalkaasi ku dhintay dad lagu qiyaasay boqolaal qof oo Soomaali ah.

Labadaas diyaaradood ee la soo riday ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabo Black Hawk down.

Mareykanka ayaa dowladdii cusbayd ee Soomaaliya si rasmi ah u aqoonsaday sannadkii 2013-kii balse safaaraddiisa Soomaaliya ayuu xarun uga dhigay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Mareykanka ayaa duqeymo uu ku bartilmaameedsanayo dagaalyahannada xarakada al-shabaab ka wada qaybo badan oo Soomaaliya ah, waxaana dhawaan booqasho Muqdisho ku tagay madaxa taliska ciidammada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM).

Xigasho: BBC

SHARE
Article horeKENYA: Xildhibaannada Ugu Mushaar Badan Afrika Ee Haddana Saluugsan
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here