Marwo Amina Waris Waa Maamo Qaranka Somaliland Mahadiyey

0
228

Hargeysa(Hubaal)-Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde oo ah Marwada Koowaad ee Qaranka Somaliland, ayaa Karti iyo aqoon u adeegsatay isku dubba ridka Hawlaha shaqo ee Bulshadeeda kaga aaddan, waxana ay shacabka ugu qoran tahay shaksi daneeya Bulshada inteeda danta yar.

Aaamina-warisMarwada qaranku waxa  tan iyo intii ay Aqalka Madaxtooyada Gashay Badhtamaha Sanadkii 2010-kii ay safka hore ka gashay u damqashada Dadka jilicsan iyo koruqaadidda Noloshooda, iyadoo ka Bilowday sidii Goobaha lagu xannaaneeyo Dadka Agoomaha ah kor loogu qaadi lahaa.

Waxay Muujisay inuu qaranku muhiimad gaar ah siinayo dadkaas nolosha hoose ku Nool, waxana ay Booqasho ku tagtay Goobo badan oo dad jilicsan iyo Agoomi ku Nool yihiin, iyadoo gaadhsiisay Deeqo kala duwan oo xagga Agabka  iyo Cuntadaba.

Marwada qaranku waxa ay taakulo muuqata gaadhsiisay Aqalka lagu Xannaayo Agoomaha Magaalada Hargeysa ee Dawladdu gacanta ku Hayso, waxana ay dhawaan u dhagax dhigtay Goob ballaadhan oo casri ah, taas oo haatan dhamaad ku dhaw, iyadoo muujisay inay si gaar ah u danaynayso Dadka intiisa hoose oo indhaha siyaasiyiintu inta badan ka dul boodaan.

Marwo Amina  Waris Sheekh Maxamed Jirde oo kaashanaysa Aqoonta iyo Khibradda ay hibada u leedahay, ayaa abuurtay oo ka dhabaysay inay  Doorka Haweenka ee Dhinaca Siyaasadda kor usoo qaado, waxana dedaalkeeda ay ku gaadhay in xukuumadda ay ka muuqdaan Tiradii haweenka ahayd ee ugu badnayd abid, iyagoo waliba qabsaday Wasaaradaha qaranka Ugu muhiimsan sida Maaliyadda oo kale, waxana taas ugu riyaaqay Haween weynaha Reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba.

Marwada qaranku waxa ay dedaal dheer u gashay inay dhiirrigeliso Waxbarashada Haweenka, waxana ay marar badan Aqalka Madaxtooyada ku casuuntay Hablo Arday ah, kuwaas oo ay Guddoonsiiyey Agab qaali oo Dahabku kamid ahaa, iyadoo ujeeddadeedu tahay sidii ay u dhiirrigelin lahayd Waxbarashada Hablaha Reer Somaliland oo haatan xawaare sare ku socota.

Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde, waxa muddadii ay Marwada koowaad ee Qaranka ahayd taariikhda ku gashay Daadihinta iyo Midaynta iyo isku keenidda Haweenka reer Somaliland iyo korusoo qaaddida Doorkooda Ganacsi, waxbarasho iyo siyaasadeedba, waxana ay dhidibada u adkaystay Ururrada haweenka ee Meelaha kala duwan ka dhisan, gaar ahaan ururka Haweenka Qaranka Ee Now oo haatan heer sare maraya.

Marwo Amina sheikh Maxamed Jirde waxa ay  geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay inay Haweenku dhinaca siyaasadda ka helaan Kooto gaar u ah, waxana ay ku Guulaysatay inuu madaxweyne Siilaanyo soo saaro Digreeto kootadaas sharciyeynaysa, balse Aqallada Baarlamaanka iyo Guurtida  ayaa middaas hor istaagay ooh al bacaad lagu lisay ka dhigay, walina way daba socotaa oo kama ay daallin in dumarku kootadooda dib uhelaan.

Dhammaanba Haween weynaha Gobollada  iyo degmooyinka Somaliland ayaa si weyn u mahaddinaya Marwada qaranka, waxana ay aaminsan yihiin inay wakhti badan iyo dedaal dheeri ah gelisay inay Haweenka u samaysa wax taariikhda gala inta ay Aqalka Madaxtooyada ku jirto.

Marwadu Qaranku  dhaqan uma laha inay isku hawsho Jaangoynta iyo Ka qaybgelidda Siyaasadda uu gadhwadeenka Madaxweyne Siilaanyo oo ah Saygeeda, waana astaan la mahadiyey oo ay kaga duwan tahay dhammaanba Marwooyinkii ka horreeyey ee Aqalka  dalka looga arrimiyo hore usoo maray.

Amina Waris ma dhex gasho yoo-yootanka siyaasadda iyo Cambaaraynaha mararka qaarkood uga yimaadda dhinaca Mucaaridka, waxana ay kaga jawaabtaa Aamusnaan, iyadoo muujisa Duulqaad iyo marwonimo, kagana dabbaalata Arrimaha dhigeeda dhaliila horumarkeeda.

Marwo Aamina waris oo kasoo jeedda Qoys tacliinta iyo hormoodnimada caan ku ah ayaa intii ay qaranka Marwada Koowaad u ahayd ku sifawday Dulqaad iyo karti ay Hawlaha waajibaadkeeda ah ku abaarayso, waxana taariikhda u galay  tallaabooyin badan oo shacabku mahadiyeen.

Sida soomaaliduba hore u sheegtay oo ah in Nin kastoo homar sameeyey ay Gabadhi ka dambayso, waxa ay Marwo Amina Waris musdambeed u tahay Horumarka Madaxweyne Siilaanyo  ka gaadhay Dhinaca Siyaasadda, waxana Door Muuqda oo aan qarsoonayn kasoo qaadatay Halgankii dheeraa ee uu usoo galay Kursiga dalka ugu sarreeya ee uu haatan ku fadhiyo.

Dedaalkeedu waa mid ka muuqda Taariikhda Madaxweynaha haatan ee Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo, waxana la Hubaa inay kala soo dabbaalatay marxalado adkaa oo uu hore usoo maray.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here