Masar oo daldashay nin si weyn loo doon-doonayay

0
1

Hargeysa (Hubaal) Xukuumadda Masar ayaa daldashay, Hisham Ashmawi oo ahaa nin si weyn loogu raad joogay. Warbaahinta dowladda ayaa ku warrantay in arbacadii shalay la dilay Hisham Ashmawi. Hisham Ashmawi oo ahaa sarkaal ciidan ayaa lagu helay dambi ah inuu ku lug lahaa weeraro waaweyn oo uu kamid yahay weerar lagu dilay ciidammada Masar sannadkii 2014-kii. Waxaa lagu soo oogay dacwad ah inuu ka dambeeyay isku day la rabay in lagu dilo wasiirkii arrimaha gudaha Masar Maxamed Ibraahim sannadkii 2013-kii.

Hisham Ashmawi ayaa lagu qabtay dalka Liibiya kaddib markii ciidammada uu hogaamiyo Janaraal Khaliifa Haftar ay u gacan geliyeen Masar, maadama Janaraal Khaliifa Haftar iyo Masar uu ka dhexeeyo xidhiidh.

Ashmawi oo sidoo kale loo yaqaano Abu Cumar Al Muhaajir wuxuu ka tirsanaa ciidammada militariga u qaabilsan howlgallada gaarka ah balse shaqada ayaa laga caydhiyay markii la arkay inuu yahay qof mayal adag. Wixii xilliggaas ka dambeeyay, wuxuu ku biiray kooxda Jihaad-doonka ee ka dagaallanata gobolka Siinay.

SHARE
Article horeDawladda Imaaraadka Oo Joojisay qorshaheedii Dhismaha Saldhigga Militari ee Magaalada Berbera
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a Somali journalist, writer and cameraman. Now Mustafe is the chief editor of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He was former the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com/mustafefaro@hotmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here