Mashiinkii Rogista Waraaqaha Ee SNM (SNM Duplicating Machine)

0
1

– Qormo xiiso badan, Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

 “Muxuu qalinku sheekiyo,

Qubanaha dharartiyo,

Hadba qodob la yabliyo,

Mahadhooyin qorayaa,

Quduro, M. I. Warsame, Hadraawi,

Qalinka: Boobe Yuusuf Ducaale

Haa….Waan maqnaaye immika ayaan soo miiraabay. Maalin dhaweyd ayaa waxa ii suurto-gashay in aan sifeeyo qayb ka mid ah “negative-yadii” guriga ii yaallay.Waa ay badan yihiin. Aniga ayaa dhammaan wada qaaday sawirradaa intii lagu jiray halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran iyo weliba intii aynu Jamhuuriyadda Somaliland ahayn ee ka danbaysay 1991kii. Haa…..keyd badan ayuu ahaa marka laga reebo wixii igaga lumay duruufihii adkaa ee lagu jiray. Wax iga lumana waxa ugu badnaa maalintii ciidammadii Siyaad Barre soo galeen Balli-gubadle oo ay taanbuuggaygii ka qaateen keyd badan oo aan halkaa ku hayay.

Aan idiin soo gaabiyo sheekada aniga oo ku noqonaya Mashiinkan Rogista waraaqaha ee sawirkiisii idin hor yaallo. Asalkiisii, sida aan filayo wuxu nagaga yimid Jabuuti. Ma hubo, waxa se aan u malaynayaa in aan berigaa maqlay waxa ururka ugu deeqay safaaradda Dawladda Masaarida ee Jabuuti. Mashiinkan yar waxa weheliyay waraaqo iyo qalab kale. Sannadku waa mid ka mid ahaa kuwii dul-saarka ahaa ee aanu ku jirnay halgankii hubeysnaa ee dibuxoreynta Qaran ee SNM horseedka ka ahayd. Run ahaantii waa sannadkii 1989kii. Waxaanu joognay Balli-gubadle iyo xaruntii SNM-ta, gaar ahaan anigu waxa aan ku sugnaa xaruntii waaxda warfaafinta ee aan sida rasmiga ah u deggena.

Sawirkan oo laga yaabo in uu qaar badan oo idin ka mid ah la yaraadaa, aniga iyo qaar badan oo kale oo ila mid ahaaba xusuus gaar ah ayuu ku leeyahay. Muuqaalkan immika uu idiin muuqdo waxa uu yaallay xarunta madaxtooyada ee hadda oo aanu ugu soo gallay 1991kii.

Yaan ka hor-dhicin sheekada ee aan xaggii hore ku noqday. Mashiinkan maqallay in Jabuuti laga soo diray, bal se hore ayuu noo soo gaadhi waayay. Muddo ayuu jidka ku soo jiray. Ciidankii oo noo soo sida ayaa maalinba meel dagaal ku qabsanayay, markasuu halkaa muddo oollayay. Haddana waa la soo qaadayay oo dagaal kale ayaa meel kale ku qabsanayay. Haddana muddo kale ayuu oollayay, bal inta cid kor ama xaruntii SNM u baxaysa la helayo. Sidii diinka ayaanu daymada ku korinnay oo indhihii u qalloocdeen xaggaa iyo Xeebta. Waxaanu hadba maqli jirnay Lowyacaddo ayaa la keenay. Soo dhaaf oo Seylac ayuu soo gaadhay. Farxad iyo damaashaad. La-ye habeen dhaweyd ayuu Ceel-gaal soo gaadhay. Geerisa ayaa la dhigay oo baabuurkii siday ayaa ka noqday oo mid kale oo la soo saaro ayaa lala sugayaa. Hadda ‘ii-mayllo’ iyo ‘faakisyana’ lama adeegsanayn. Warka waxa siday kub-ku-siigaale soo habeenno dhaxay. Alla beryahaa warku gaajo kululaaye. Dhareerkii oo kaa dhammaaday ayay wixii aad sugaysay ku soo gaadhi jireen.

Waxa intaas oo dhan nagaga darraa ciidanka siday oo aanay aad ugu wada muuqan waxtarka Mashiinkan iyo waraaquhu, oo ka jeclaan lahaa haddii ay qoryo iyo rasaas ahaan lahaayeen. Bal ka warrama ciidankaas 99aad oo lagu odhan lahaa waa rasaas ama qoryo xoojin ah oo ciidan kale ku socda ee gaadhsiiya! Miyaanay la soo duuleen.

Adigu wuxuu soo maalin-gaalo, soo galab-carraabo, mararka qaarkoodna soo gureeyaba bahalkii na soo gaadh isaga oo aan caddaysimo ahayn, bal se wata wax aan badnayn oo waraaqo iyo khadba u badnaa. Annaguna baahidii aanu u qabnay u adeegsannay.

Mashiinkaa Rogista waraaqaha waxa la dhigay xaruntii Radio SNM, gaar ahaan xeradii ugu horreysay ee waddada Kaam-barwaaqo tagta midigta ka xigtay marka Barwaaqo lagu sii socdo. Hadba wixii ay SNM u baahato ayaanu ku rogan jirnay, bal se shaqadiisa joogtada ahayd ayaa ku koobnayd wargeys biloodle ahaa oo la odhan jiray “Dhambaal”.

Waxa aad ku madax-wareeraysaa marka ay qaar war-moog ah oo dalka joogaa xafladaha qaarkood kaga doodaan in ay iyagu ugu horreeyeen cid Somaliland wargeys la rogo soo saarta. Waa been aan biyo is-marin. Qof waayay meel uu halgankii ka rakaabsado ayaa caynkaa ku dooda. SNM waa ururkii ama xisbigii ugu weynaa ee soo mara taariikhda ummadda Soomaaliyeed. Goldaloolo kasta ha lahaado, bal se waa ururkii ku guuleystay in uu jilbaha u dhigo nidaamkii Siyaad Barre isaga oo kaashanayay Ilaahay iyo shacbiga Soomaaliyeedba. SNM dalka waxay xoreysay iyada oo lahayd: Idaacad, wargeysyo, koox faneed, sawir-qaadayaal Video iyo ‘kamara’ caadiyaba leh. Intaaba iyada ayaa ballaysinkooda lahayd. Kuma haysanno cidda tilifoonnada, telefishannada iyo internet-kaba ballaysintay, Annagana intayada yaan naloogu iman.

SNM April 1981kii ilaa April 1990kii waxa ay qabsatay lix Shirweyne oo lagu doortay shan Guddoomiye. Waxa kale oo SNM u qabsoomay ilaa 19 Kal-fadhi oo Gole Dhexe iyo intaas oo kulan oo Guddi-fulineed oo labadii toddobaadba mar la qaban jiray. Hadda guulihii SNM fandhaal ayaan idiin ka daray. Waa inoo xilliyo kale iyo xaraartii SNM butaysatay.

Ku raagi maayo bal se aan mowduucan wargeysyada ku yar hakado. 1983kii waxa Addis-ababa ay SNM ka soo saari jirtay Al-Mujaahid oo afafka Carabiga iyo Ingiriisiga ku soo bixi jiray. Xafiiskii Diri-dhabe waxa yaallay ‘Duplicating Machine’ kale oo soo saari jiray wargeys afka Soomaaliga lagu qori jiray oo UFO la odhan jiray iyo ‘Special Bulletin’ kal-soo-bax ahaa. Xafiiskii SNM ee Jigjiga ku yaallayna ‘Duplicating Machine’ kale ayaa noo yaallay. Kan Balli-gubadlena kii afraad ayuu ahaa.

Waxa xusuus mudan in waaxdii warfaafinta ee SNM ay ahayd ciddii ugu horreysay ee Somaliland ka soo saarta wargeys la rogay oo daabacan. Wuxu ahaa wargeyskii toddobaadlaha ahaa ee Ileys ee soo baxay 6/4/1991kii oo ku beegnayd 10-guuradii SNM.

Beryihii danbe jeldiga sare ee Ileys waxa aanu ku soo daabacnay madbacadda Jabuuti ee Ibraahin Dheere annaga oo codsi u samaynay bishii Abriil 1991kii mar aanu booqasho Jabuuti ku tagnay. Ileys muddo badan ma ay soconnin oo markii laga soo baxay Kal-fadhigii 2aad ee caadiga ahaa ee Golihii Dhexe ee SNM ee ku qabsoomay magaalada Burco Meey 1991kii intii ka danbaysay waa ay joogsatay maa daama aanay jirin Guddi-fulineed oo SNM ahi. Dhaqankeenna ayaa iska caynkaas ah oo mar walba oo xisbiyadeennu ma waaraan kol haddii xilka madaxweynaha lagu guulaysto.

Cuntaduba xawaashaynta ayay u dhimataa oo faraha la iskugu goostaaye, bal sheekadan gaaban aan idin ka yar iidaamo oo waxoogaa dhan-dhanaan ah idiin ku daadiyo. Wax aan badnayn aan ka soo qaato Tirsigaa Ileys ee ugu horreeyay ee soo baxay 6/4/1991kii. Waa mowduuc aad u kooban oo soo af-jaray Tirsigan 1aad ee Ileys. Mowduucu wuxu ku suntan yahay:

Maaddii dibad-baxa:

Waa qoys isu diyaarinaya in uu ka qaxo Hargeysa oo diyaaradihii gegedeeda ka soo kacayay iyo madaafiicdii ay nacabka u iibsadeen lagu duqaynayo. Waa sheeko gaaban oo dhex-maraysa Hooyo Caneb iyo gabadheeda Intisaar oo doonaya in ay xaafad Hargeysa ku taallay ka qaxaan:

Hooyo Caneb: Naayaa Intisaar, Hooyo haddaba side ayaynu alaabta u rarannaa?

Intisaar: Hooyo waxa aan arkay reero badan oo dameero rartaye aan dameer inoo doono,

Hooyo Caneb: Naa muslinyow Islaameed bal waxa ay inantaa yari ku hadlayso eega! Oo haddii aynu hellaba yaa inoo fadhiisinaya dameerka si’ aynu u raranno,

Balka warrama dadkaa ab ka ab reer magaalka ahaa ee nidaamkii Siyaad Barre qaxa iyo wax aanay qayibin abidkood baday. Aynu ku noqonno Mashiinkeennii mowduuca inoo ahaa. Bal hadda u fiirsada qafaska ama birta uu saran yahay. Waa sanduuq lagu keeni jiray rasaasta qoriga faalka ah. Waxa ay ka mid ahaayeen qafasyada aanu ugu jecel nahay. Wax kasta oo dhulka yaalba aboor ayaa ku bixi jiray oo aroortii marka aad toosto ayaad arki jirtay. Waxa qasab ahayd noloshii aanu ku noolayn in aad wixii qalab ah wax ka hoosaysiiyo oo weliba waxaasi ay bir noqdaan.

Waxyaabaha kale ee qafasyada rasaasta faalka la midka ahaa wax aka mid ahaa qasacadihii cuntada ee ‘waddida’ iyo waxyaabaha la midka ah naloogu keeni jiray. Qasacadiba qasacadda ay ka dheer tahay ayaanu ugu jeclayn oo sanaadiiqda looxaanta ah ee dokumentigu ku jiro aanu saari jirnay. Qafaska faalku wuxu ku fiicnaa oo kale adiga oo dibadda ka arki jiray in aboor ku baxay iyo in kale. Qasacadaha gaaggaaban sanaadiiqda aad u dhigto aroor kasta waa la eegi jiray in aboor ku baxay iyo in kale.

Bal hadda aan idiin mariyo maalin waxa iga raacay aniga oo hubinaya in sanduuq cajalado iigu jireen aboor ku baxay iyo in kale. Waa sanduuq loox ah oo weliba ah noocii lagu keeni jiray qoryaha AK-ga. Waa ay dhaadheeraayeen loox wanaagsanna waa ay ka samaysnaayeen. Subax hore ayaan taanbuuggaygii ka toosay. Intii aanan bixin ayaan mid sanaadiiqdii ka mid ah kor u yar qaaday si aan aboor ku baxay uga hubiyo. Halkaa badhtanka ayaan hayaa sanduuqa oo yar dheer si aanu u dheelliyin. Suulasha mooyaane siddeedaydii farood ee kale sanduuqa ayay baacinayaan oo hoosta ayay ku jiraan. Waan eegay, saa waa bahal mas ah oo madow oo duudduuban oo aad mooddo in loo subkay oo weliba hurda ama suuxsanba (hibernation). Naxdin iyo af-kala-qaad! Sidii hillaac bilig yidhi ayaan talada u rogrogay. Aayar iska dhig mar baan ku tashaday. Haddana waxaan yiqiinsaday marka aan dhigayo in farahaygii hoosta jiraan oo haddii uu tooso I qaniini karo. Mar keliya sanduuqaba dhulka ku sii daa ayaan haddana ku tashaday. Waxa aan ka baqday marka sanduuqu ku dhaco in uu tooso oo lugta iga qaniino. Cabbaar ayaan sanduuqii kor u hayay oo tallamayay. Mar baan is-idhi qayli si laguugu soo gaadho. Haddana wuu toosi oo wuu ku qaniini ayaan is-idhi.

Mar danbe oo aan iskayba u daalay ayaan go’aansaday in aan aayar dhigo, sidii ayaan yeelay oo sanduuqii ayaan aayar aniga oo is-ilaalinaya dhulkii dhigay. Illeyn waa bahal gurigii aan seexanayay soo galaye markii aan sanduuqii dhigay ayaan go’aansaday in aan dilo waayo intii aan sanduuqa kor u hayay ayaan daawanayay oo aad ayuu masku u maqnaa ama u suuxsanaaba. Taanbuuggii ayaan baadhay wax qalab ah oo yaal. Waxa aan helay cawjad. Sanduuqii ayaan kor u qaaday oo tiiriyayba, ka dibna cawjaddii ayaan madaxa kala dhacay sidii ayaanu ku dhintay isaga oo aan toosin. Masasku waa ay badnaayeene, bal maanta abeeskaa dhuunta madoobaa ha inoogu joogto. Laba-daraale cabsida waxa iigu sii wacnaa aniga oo beryahaa bartay in aanu mas-cadku halis ahayn, bal se abriska madoobi khatar yahay aanad qaniinyadiisa dhulka ula dhacayn. Kooxdii fannaaniinta ayaa Riwaayad ku dhigtay mas-cadkaas iyaga oo ula jeeday colkii Ina Cumar Jees watay ee Balli-gubadle iska soo dhiibay.

Waxa kale oo la daryeeli jiray gogosha oo qudheeda aboorku ku bixi jiray, dulin kalena ku dhalan jiray haddii aanad ka war hayn. Subaxda hore marka aad toostaba waa in aad gogosha mid mid u hurguftaa ka dibna u wadhaa oo aad cadceedda u dhigtaa ilaa duhurka. Dulin gogosha ku dhasha waxa ugu darraa takfida oo sida kaneecada dhawaaqeedu kuu dhibo, ay xadantadeedu kuu dhibi jirtay. Niman baa qabashadeeda xarfaan ku ahaa oo hadba halka ay kaa taabato ama ay ka dareemaan luli jiray, ka dibna inta ay farta qoystaan qaban jiray. Injirtuna mid kale ayay ahayd oo ku xidhnayd hadba nadaafaddaada iyo sida aad iskaga war hayso.

Gogoshana sidaa ayaa loo ilaalin jiray. Waa haddii aad deggan tahay saldhigyada mid ka mid ah oo aad weliba gogol leedahay. Ragga qaar baa caddaysimo ahaa oo waa sidii uu Hadraawi u yidhi:

“Ninka aad u tahay deni,

Iyo Xaaji soo degay,

Saadaasha ku daray,

Is-na tiisa daymood,”

Gogoshu waxay u kala badnaynd sida deggenaanshaha Mujaahidiinta iyo hayntooduba u kala badnayd. Dhowr nooc ayaa gogosha loo kala saari jiray oo darajooyin ayay kala lahayd. Malaha mowduucaa in aynu mar kale soo qaadanno ayaa fiican.

Mashiinkan waxa kale oo aanu u adeegsannay Shirweynihii 6aad ee SNM oo aanu ku rogannay wixii go’aammo ka soo baxay. Haddaba 29kii Diisambar, 1990kii ayay ciidammadii Siyaad Barre soo galeen xaruntii SNM iyo xaruntii Radio SNM. Muddo dheer kuma ay jirin ee subaxnimadii danbeba xoog ayaa laga saaray. Bal se qalabkii ay meesha ka qaateen waxa ka mid ahaa Mashiinkan oo ay Hargeysa la yimaaddeen.

Waxba kama aanu danbayn ee dhammaadkii bishii Jeeniweri 1991kii ayaanu dagaal quus-goyn ah ku soo qaadnay dooxatadii Siyaad Barre. Markii aanu Hargeysa soo gallayba waxa aan bilaabay in aan raadceeyo wixii ay naga soo furteen. Qaybo feylashaydii ka mid ah waxa aan ka helay Xaruntii Nabad-sugidda. Waxyaabihii kale ee aan ku guulaystay in aan helana waxa ka mid ahaa Mashiinkan sawirkiisii idin hor yaal oo aan ugu tegay qol ka mid qolalkii gurigii Moorgan deggenaa oo ah kan Madaxtooyada ee maanta.

Ima ay seegin in aan sawirkan maalintaa ka qaado, bal se waxa I seegtay oo aan qoommamaynayaa in aanan maalintii halkii ka qaadin oo aanan xafidin. Waxa aan is-lahaa goob aammin ah ayuu yaallaa, meel uu ku danbeeyayna garan mayo. Alla! Maalintii maalin Alle ahayd qaad lahaydaa! Ax! Illeyn talo iskuma kaa sheegto. Waxba se wax ayay dhaamaane, kol haddii aynu sawirkiisii oo qafaskiisii saaran haynno innaga ayaa buro sidna.

Waxa aan idin ka illoobay in aan idiin sheego in ay rasaas la dhaceen, sida ka muuqata dhinacna ay fujiyeen.

Farta ayuun baan idiin daray qayb yar oo ka mid ah dharaarihii iyo qalabkii na soo maraye, bal ha is-goosanina wax badan oo waafiya ayaa idiin soo socda e’.

SHARE
Article horeMAANSADA XAGAL-DAAC
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here