Mashruuc Lagu Tayeynayo Waxbarashada Somaliland oo la Shaaciyey inay ku Baxayso $7.68 Milyan

0
1

Barnaamijkan waxa loo asteeyey in kor loogu soo qaado tirada wiilasha iyo hablaha aan dhigin dugsiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland,

 

Hargeysa(Hubaal)- Hay’adda Bahdwaagta caalamiga ah ee dhinaca waxbarashada ee loo yaqaano The Global Partnership  For Education (GPE) ayaa ansixiyey  lacag dhan 7.68 milyan oo doolar oo loogu talo-galay inay kaga qayb qaataan  dedaalada xukuumadda Somaliland ku tayaynayso waxbarashada dalka.

 

Siday faafisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA  oo soo xiganaysa  warbixin ay soo saartay Hay’adda Save the Children, waxa  Bahdwaagta caalamiga ah ee dhinaca waxbarashadu ay  qoondeeyeen in mashruucaasi laga fuliyo Somaliland muddo saddex sannadood ah, waxaana la daah-furayaa   bishan July 2018 illaa 2021ka.

 

 

 

Barnaamijkan waxa loo asteeyey in kor loogu soo qaado tirada wiilasha iyo hablaha aan dhigin dugsiyada ee Jamhuuriyadda Somaliland, waxa kaloo barnaamijkan ku jira nidaam dhiirigelinaya  in carruurta xili hore loo qoro dugsiyada waxbarashada.

 

 

 

Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Md. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa sheegay in bahwadaaagta caalamiga ah ee waxbarashada iyo Hay’adda Save the Children ay dawladda kala shaqaynayaan  tayaynta waxbarashada, si Somaliland u hawaysato horumar iyo mustaqbal wanaagsan.

 

Sidoo kale, Madaxa fulinta ee Bahwadaagta caalamiga ah ee waxbarashada ee GPE, Alice Albright, ayaa ku ammaanay  Somaliland inay samaysatay qorshaha dheer ee dhinaca waxbarashada, sidaas darteedna ay taageerayaan sidii loo fulin lahaa qorshahaas.

 

Warbixintan waxa lagu xaqiijiyey inay kordheen tiradda hablaha dhigta dugsiyada hoose iyo sare ee Somaliland.

 

Arrintani waxay ku soo beegantay iyadoo fadhigii shalay ee golaha wasiirrada oo uu guddoominayey Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ay go’aamiyeen in awooda la saaro tayaynta waxbarashada, hirgelinta dugsiyada farsamada iyo kor u qaadista tababarada macalimiinta dalka.

SHARE
Article horeFadhigii Golaha Wasiirrada Somaliland Ee Maanta Oo Lagu Gorfeeyay Horumarinta Waxbarasahda Dalka
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here