Mas’uul Ka Tirsan Maamulka Puntland Oo Socdaal Ku Yimi Hargeysa Iyo Ciidammada Ammaanka Oo Hotel-ka Uu Degennaa Ka Taxaabay

0
29

Hargeysa (Hubaal)- Agaasimihii guud ee wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare Puntland Axmed Keyse Cali Shirre lagu xidhay Maanta Magaaalada Hargeysa. Sida ay Gudgudenews.com u xaqiijiyeen ilo  xog ogaal ahi  ayaa waxay sheegayaan in Agaasimaha wasaarada waxbarashada puntland ay ciidamada amnigu ugu tegeen hotel uu deganaa oo ku yaal Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, ka dibna loo taxaabay saldhiga dhexe ee Hargeysa Halkaasi oo lagu Xidhay Agaasimaha.  Axmed-KeyseSababta Rasmiga ah ee xadhiga Agaasimaha Guud ee wasaarada waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland lama hubo ilaa iyo Hada ,marka laga reebo bastoolad la sheegay in uu watay, Waxaa kale oo aan la ogayn sababta imaatinka Agaasimaha Guud ee Magaalada Hargaysa .  Dhinaca kale wasaaradda Waxbarashada ee Puntland ayaa xaqiijisay xadhiga agaasimahooda  in kastoo aanay wax faahfaahin ah ka bixin illaa hadda.   Warku waxa uu intaa ku daraya  in   agaasimuhu socdaal hakad ah [Transit] ku soo maray magaalada Hargeysa isaga oo ujeedada safarkiisu ku dherernayd dhinaca Nairobi xadhigiisan haatanna uu yahay mid ay ciidammada ammaanku ku hubinayaan masuulkan maadaama  uu maamul kale ka tirsan yahay.  Warar kale oo aan la hubin ayaa tibaaxay in xadhiga masuulkani la xidhiidho hub uu sitay oo Hotelka uu degen yahay ku haystay kaasi oo ah Baastoolad, haseyeeshee wararkaasi faahfaahintiisa dhinaca  ciidammada ammaanka kama ay soo bixin, waxaana ilaa xalay  la hadal hayay in ay socotay waanwaan lagu sii daynayay masuulkan., sidoo kalena ay waanwaantiisa siideyneed meel wacan marayso.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here