Mas’uul Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Ka Tirsanaa Oo Is-casilaad Aan Sababaysnayn Xalay Shaaciyey

0
1

Waxaa Uu Ka mid Ahaa Xubnaha Ay Aragti Ahaan Aadka Isugu dhawaayeen Madaxweyne Muuse

 

Hargeysa (Hubaal)-  Agaasimihii guud ee wasaaradda qorsheynta qaranka Somaliland Cabdi Cali Jaamac ayaa xalay sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay ee wasaaradda. Qoraal aan faahfaahsanayn oo uu Aqoonyahan Cabdi Cali Jaamac ku baahiyey barta uu ku leeyahay boga xidhiidhka Bulshada ee Facebook-ga ayaa uu ku shaaciyey in uuiskaga tagay xilkii agaasimaha guud ee uu hayay.

Qoraalka uu bartiisa Facebookga ku baahiyey Cabdi Cali Jaamac ee uu  ku sheegay in uu ka tagey xilkaasi.   ayaa u dhignaa sidan: “Is-casilaad.Maanta oo taariikhdu tahay 11kii bishii April, 2018, Waxan iskaga Tegay xilkiib agaasimaha guud ee aan hayay

Xidhiidh aanu isku daynaya in aanu la sameyno agaasimaha si aanu wax badan uga ogaano sababaha uu isku casilay noomay suurto geli.  Aqoonyahan Cabdi Cali Jaamac ayaa kamid ahaa xubnihiiay aadka isugu dhawaayeen Madaxweyne Muuse Biixi tan iyo markii uu xilka la wareegay madaxweynenimo iyo weliba intii uu ahaa guddoomiyaha iyo murashaxa xisbiga KULMIYE.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here