Mas’uuliyiin Madaxweynaha Hortiisa Lagu Dhaariyey

0
1

Hargeysa (Hubaal)- Masuuliyiin tiradoodu dhan tahay 15-xubnood (Shan iyo toban) oo xilal ka haya hay’adaha kala duwan ee xukuumadda, ayaa maanta lagu hor dhaariyey madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Masuuliyiintan oo kala ah wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Cismaan Jaamac Aadan Iimaan, guddoomiyaha Baanka dhexe, Mudane Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, xubno katirsan guddiyada Maamul-wanaagga, Dhawrista Tayada iyo Xuquuqal Insaanka, ayuu madaxweynaha hortiisa ku dhaariyey Guddoomiye-ku-xigeenka maxkamdda sare, ahna ku simaha guddoomiyaha, Garyaqaan Maxamed Cumar Geelle, waxana uu madaxweynuhu masuuliyiintan kula dardaarmay inay ilaaliyaan masuuliyadda culus ee dushooda saaran, kuna dedaalaan caddaaladda iyo sinnaanta, iyada oo madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) uu goob-joog ka ahaa dhaarta.

SHARE
Article horeWefti Oromo Ah Oo Hargeysa Lagu Soo Dhaweeyay
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here