Maxaabiis Alshabaab Ah Oo Ka Baxsaday Xarun Ku Taala Garoowe

0
20

Garoowe (Hubaal) Dhalinyaro lagu qabtay dagaalo ay ciidammada Puntland la galeen xooggaga Alshabaab oo sanadkii 2016-kii duulaan ku qaaday deegaano halkaas ku yaala ayaa lagu soo waramayaa in ay ka baxsadeen xarun lagu hayay oo Garowe ku taala.

Saraakiil ka tirsan ciidanka ammaanka Puntland ayaa wariyaha BBC-da ee halkaas u xaqiijiyay in 10 ka mid ah dhalinyaradaas oo 40 dhanaa ay baxsadeen, balse dib loo qabtay 3 ka mid ah , kuwaas oo midkood laga qabtay dhulka miyiga ah.

Lama oga qaabka ay u baxsadeen, laakiin waxaa la sheegay in la xidhxidhay askartii waardiga ku jirtay markii ay dadka baxsanayeen qaarkood.

Ku dhawaad 40 dhalinyaro oo lagu soo qabtay dagaalladii ka dhacay Suuj, Garmaal iyo Garacad ayaa lagu hayaa gudaha magaalada Garoowe, kuwaasoo la sheegay inaysan gaarin da’da maxkamadaynta, waxaana gacanta ku haya dowladda Puntland shakhsiyaad ay u xil-saartay oo taageero dhaqaale ka hela Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayaa imaanaysa xilli siyaasiyiin qaybtood loo saadaalinayo inay u sharaxanyihiin madaxtinimada Puntland ay dowladda ku eedeeyeen habacsanaan dhinaca amniga ah.

Xarunta

Xarunta lagu hayo dhalinyaradan ayaa ah mid si gaar ah loo leeyahay, islamarkaasna kaalmo iyo maalgalin ka heshay qaar ka mid ah hay’adaha samofalka. Waxaase xarunta waardiyeeya ciidammada Puntland.

 

Waxa ujeedku ahaa in maadaamaa dhalinyarada ay ka yaryihiin da’dii qaangaarnimada in dhaqancelin loogu sameeyo xarunta, laguna baro xirfado ay ku maareyn karaan noloshooda marka ay bulshada ku dhex laabtaan.

Waxaa la garwaaqsaday in qaar badan oo ka mid ah lasoo duufsaday, sidaasi darteedna aanan la marin karin xeerka ciqaabta.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here