Maxakamadda Dastuuriga Ah Oo U Jid Bixisey Dacwaddii Micaaridka, Go’aan Xumad-jebin Ahna Ku Dejiyey Xaraaraddii Kacsanayd Ee Muduciga Iyo Madaacaliga Siyaasadda

0
26

Falanqaynta Go’aanka Maxakamadda Dastuuriga Ahi Ku Barraxday Sharciyada Iyo Guddoomiyaha Cusub Oo Hore U Qaaday Tallaabadii Koowaad Ee Ballanqaadkiisa

guddoomiyaha maxkamada sare

Hargeysa (Hubaal) – Maxkamadda Sare ee Somaliland, ayaa Go’aan rasmi ah kasoo saartay Dacwad ay hore ugu gudbiyeen Axsaabta Mucaaridka Somaliland oo nuxurkeedu ahaa in loo fasaxo shirar ay sheegeen in aayaha qaranka lagaga tashanayo oo xukuumaddu ka hor istaagtay. Dawcaddan oo Maxkamadda la geeyey maalin ka hor markii jawaabteeda la helay, ayaa noqotay mid labadii dhinac ee is hayey midna aan guul ay ku faani karto siinin, waxana qolo walba Go’aanka soo baxay lagu faray inay dhinacooda sharciga iyo distoorka ka dhawraan. Go’aanka Maxkamaddu soo saartay oo Afar qodob ka koobnaa ayaa sida muuqata dhinacyada is haya mid walba gaarkeeda u faraya inay fuliyaan waajibaadka gaarka u saaran, isla-markaana la ilaaliyo xuquuqda kuwa ku leeyihiin. Xukuumadda waxa si gaar ah loo faraya inay Asxaabta qaranka ku ixtiraamto shirarka ay qabsanayaan oo lagu sheegay xaq distoori ah, iyadoo sidoo kalena Xukuumadda la amray inay ilaaliso xaqa distooriga ah ee muwaadiniinta kale sida kuwa mudaadiniinta hutelladooda shirarka loo diidday. Sidoo kale waxa Mucaaridka loo sheegay inaanay qaban Karin wax shir qaran ah, taas oo loo arko dhibaato mucaaridka kaga timi maxkamadda oo dhantaali karta dacwaddoodii ahayd inay talo qaranka  lagu badbaadinaya ay soo saari doonaan. Qoddobada Afarta ah ee Maxkamadda sare soo saartay oo dhinacyadu si isku mid ah usoo dhaweeyeen, ayaa u dhignaa sidatan:xukuumadda

  1. In Asxaabta Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay qabsadaan shirarka uu siinayo Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, Xeerka Nidaamka Urrurada iyo Asxaabta Siyaasadda iyo Xeerarka kale ee Qaranka Somaliland, Gaar ahaan  qoddobada 22-aad, 23-aad,32-aad ee Distoorka. Waxa kale oo waajib ku ah wasaaradda Arrimaha Gudaha, Booliska iyo Hay’adaha kale ee Qaranka inay ixtiraamaan, isla-markaana aanay ka horjoogsan xuquuqda distooriga ah ee ay leeyihiin Axsaabta mucaaridka iyo muwaadiniinta kale  si waafaqsan Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerarka kale ee Dalka u yaalla.
  2. Dhinaca kale wixii ka dambeeyey Aftidii Distoorka ee 2001-dii, sida uu dhigayo qoddobka 9-aad, 130-aad ee Distoorka Jamhuuriyadda Somaliland, waxa laga soo guuray Nidaamkii Beelaha, waxana loo guuuray Nidaam ku salaysan distoorka iyo Axsaabta Badan, waxana jira Goleyaal qaran(xeer-dejin, Fulin iyo Garsoor,) oo dhaqangal ah, kana jawaabaya baahida qaranka ee Hadda taagan Si waafaqsan Xeerka, Waxa Haddaba xaaraan ah  isla-markaana aan sharci ahayn inay cidi(hadday tahay qabiil, ururro siyaasadeed iyo Hadday tahay cid kale toonna) ku baaqdo shir qaran ama shir aayo-ka-tashi qaran oo aanay golayaasha qaranka ee Distooriga ahi hoggaaminayn si waafaqsan distoorka iyo Xeerarka Dalka u yaalla.
  3. Dhinaca kale Maxkamdda Distooriga ahi iyadoo og in murankan taagani salka ku hayo qabashada Doorashada soo socota, waxa ay amraysaa dhammaan dhinacyada siyaasadda ee distooriga ah inay sida ugu dhakhsaha badan usoo afjaraan muranka ku saabsan doorashada soo socota, isla-markaana xal ka gaadhaan si loogu diyaaar garoobo xor iyo xalaal ah.
  4. Maxkamadda Distooriga ahi waxa ay ku amraysaa dhinacyada siyaasadda inay ilaaliyaan xeerarka iyo xeer-hoosaadada dalka ee la xidhiidha akhlaaq wanaagga(Good Ethics)xilliga doorashad iyo xilliyada kaleba.

Maxay Mucaaridku Ka Yidhaahdeen Go’aanka Maxakamadda Sare?.

Axsaabta Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI, ayaa si isku mid ah usoo dhaweeyey Qaraarka Maxkamadda, waxana ay ku tilmaameen Guul ay gaadhay Bahda Garsoorka Somaliland iyo Caddaaladduba. Ugu horrayn  Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(cirro)oo halkaas ka Hadlay, ayaa sheegay in Axsaabta qaranka loosoo celiyey Awoodahoodii ay shirarka ku qabsan lahaayeen,  “Waxan u arkaa in Nidaamka Garsoorka Somaliland ay arrintani guul u tahay shacabkana u tahay, annagana Kalsooni na siinayso. Shalay baanu Dacwadda keenay Maantana Go’aankaa laga gaadhay, taasina waxa ay ina tusaysaa inaynu kusoo dhiirran karno ciddii ka baqaysay Nidaamka Garsoorka Somaliland, waxana aanu aaminsanahay in Awooddii Distooriga ahayd ee Axsaabtu lahayd u lahaayeen inay shiri karaan loosoo celiyey.” Ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.  Guddoomiye Cirro oo la weydiiyey su’aal la xidhiidha shirkii ay wadeen halka uu dambeeyey, ayaa sidatan ku jawaabay,“Shirkii wuu Bilaabmay oo socod buu ku bilaabmay Maanta Dhammaystirkiisa Shacabka waanu usoo sheegi doonaa.”  Musharraxa Jagada Madaxweynenimo ee Xisbiga UCID Aqoon yahan Jamaal  Cali Xuseen oo isaguna Aragtidiisa qaraarka Maxkamadda sheegaya ayaa waxa uu yidhi,   “Wixii aanu Doonaynay waxay ahaayeen inay Xisbiyada Mucaaridka ahi  ay xaq u leeyihiin inay shiri karaan oo ay distooorka ku qotan tahay inay Xisbiyadu shiri karaan oo ay ka doodi karayaan Arrimaha Qaranka u yaalla. Waanad Ogaydeen oo maalmihii ugu dambeeyey waxa ay cago juglayn badani nagaga imanaysay Wasaaradda Daakhiliga iyo Ciidamada Booliska, hudheelladii ay la yidhi kuma shiri kartaan.”  Jamaal Cali Xuseen waxa uu dhinaca Xukuumadda usoo jeediyey inay fuliso amarka maxkamadda kasoo  baxay, isagoo ballan qaaday inay dhinacooda fulin doonaan,“Waxan rajaynayaa in go’aankaas la fuliyo oo aanu noqon Go’aan iska waraaq ah. Aadna waanu ugu faraxsanahay, dhinacayagana waanu u hoggaansamanaaye waa inay dhinacooda u hoggaansamaan.” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.  Dhinaca Xukuumadda waxa qaraarkaas uga hadlay Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Cali Maxamed Warn-cadde,  waxana uu si cad u sheegay in u hoggaansami doonaan, isla-markaana ay mucaaridku shirarkooda qabsan doonaan,“Waxan idiin sheegayaa haddii aanu xukuumadda nahay inaanu si toos ah u qaadanay qaraarka Maxkamadda qaranka oo ah waajib na saaran inaanu ixtiraamno, Shirkaas distoorku u ogolaaday waanu u ogolaananaynaa sidaasayna ku fasaxan yihiin.” Ayuu yidhi Wasiir Waran-cadde.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here