Maxamed Cali Bile Ma Yahay Shaqsigii Ku Haboonaa Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada?

0
75

Dhowaan ayay markii madaxweynaha somaliland Mudane, Muuse Bixii Cabdi uu magcaabay agaasimaha guud ee madaxtooyada somaliland, kaasoo ah waxaa afka qalaad loogu yeedho {Chief of Staff}, isaga oo u magcaabay aqoon yahan Maxamed cali Bile, oo ah nin dhalinyaro ah shaqooyinka kala duwana ka soo qabtay ururo iyo hay’ado caalami ah.

 

Ma ku Haboon Yahay Maxamed Cali Bile Agaasima Madaxtooyada?

 

Hadii aan ka jawaabo su’aashan aan kor u soo xusay run ahaantii Maxamed Cali Bile, waa shaqsi aqoon yahan ah oo wax ku soo bartay jaamacado caalami ah oo kala duwan, sida mahadkii caanka ahaa SIDAM, Harvard University, California State University iyo meelo kala oo muhiim ah.

Dhinaca kale waxaa uu ka soo shaqeeyey meelo badan oo kala duwan oo ay ka mid yihiin hay’ado caalami ah iyo ururo kale oo caalami ah, balse jaqada loo magcaabay horey uma soo qaban way ku cusub tahay.

Waxaan odhan karaa wuu ku haboon yahay Maxamed Cali Bile, shaqadan culus ee looga magcaabay madaxtooyada somaliland, marka loo eego aqoon ahaan, khibrad ahaan yo maamul ahaan intaba, waa shaqsi ka soo bixi kara Ayaan odhan karaa shaqadan.

 

Intee le’egtahay Awooda Shaqo Ee Uu Yeelanayo Maxamed Cali Bile?

Agaasimaha madaxtooyadu waxaa uu yeelanayaa awoodo badan oo kala duwan, hadii uu fahmo shaqsiga loo magcaabay, waxaa uu maamulayaa dhamaan hawlaha ka socda madaxtooyada, sida shaqaalaha madaxtooyada qaybohooda kala duwan, ciidanka ilaalada madaxtooyada oo isaga hoos imanaya, waxaa uu si gaara u maaamulayaa xafiiska madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, iyada oo waxkasta oo hawlo shaqo oo ka socda uu is ku duba ridayo ama uu maamulayo.

Waxaa uu maamulayaa miisaaniyada madaxtooyada, sidoo kale waa gacan yaraha madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, isaga ayaa gacanta ku ahaynaya dhamaan xogta xafiiska madaxweynaha, intaasoo markasta u baahan in la ilaaliyo ama la xafido.

Agaasimaha madaxtooyadu waxaa uu diyaarinayaa qorsheyaasha {Agenda}, lagu falaqaynayo golaha wasiirada, kuwaasoo ka imanaya dhinaca madaxtooyada, waxaa kale oo dejinaya oo isku xidhanaya golaha wasiirada iyo madaxtooyada, isaga oo ay soo marayaan ama qaadaya fariimaha loo gudbinayo golaha wasiirada.

Sidoo kale waxaa uu isku xidhayaa dhamaam hay’adaha dowlada ee kala duwan iyo madaxtooyada, waa xidhiidhayaha golaha wasiirada, hay’adaha madax banaan iyo goleyaasha qaranka ee kale, waa isku xidhaha xafiiska madaxweynaha iyo saraakiisha ciidamada, dhamaan isaga ayaa ka masuul ah hawlaha madaxtooyada iyo hay’adaha kale xidhiidhkooda.

Dhinaca kale, agaasimaha madaxtooyadu waxaa diyaarinayaa safarada madaxweynaha oo uu qayb ka yahay markasta, kulamada madaxweynaha iyo weftiyada u imanaya, diyaarinta kulamda kale ee uu la yeelanayo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Agaasimaha madaxtooyada, ayaa leh habka maamul ee socodsiinta shaqada madaxtooyada, waana masuulka saddexaad ee maamulka madaxtooyada, waxaa ka sareeya oo keli ah madaxweynaha iyo madaxweyne ku-xigeenka, marka laga hadlayo arrimaha madaxtooyada.

Agaasimaha madaxtooyada, waxaa uu u xil saaran yahay in uu madaxweynaha la socodsiiyo waxyaaba ka dhex socda hay’adaha kale dowlada, dhacdo kastona uu la wadaago madaxweynaha, tusaale ahaan waxaa jira khaladaad ka dhex dhaca hay’adaha dowlada oo waqti danbe soo gaadha madaxweynaha, balse agaasimaha madaxtooyada ayaa laga rabaa in uu dhacdo kasta uu gaadhsiiyo madaxweynaha oo aanu noqon qof ku kooban oo keli ah xafiiskiisa.

 

Gunaanad

 

Waa shaqo culus agaasimaha madaxtooyadu, waxaynu u rajaynaynaa agaasimaha madaxtooyada in ilaahay shaqadaa u fududeeyo, isana uu la yimaado dedaal iyo shaqo wanaag ka dhex muujiyo madaxtooyada iyo hay’adaha kale ee xukuumadda.

 

Cabdilaahi Axmed Caarshe, Hargeisa, somaliland

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here