MAXAMED-RASHIID SHEEKH XASAN: Geeriyaay Xejiyaay Fogeeyaay

0
1

Qalinkii: Cabdi Muxumed

 

Waxaan alle ka baryayaa in uu u naxariisto oo jannadii fardawsa ka waraabiyo Maxamed Rashiid Sheekh Xasan oo jimcihii lagu aasay magalada hargeisa. iyadoo bulsho waynta somaliland yar iyo wayn. madax iyo shicib ba ay sidaas ugu duceeyeen. Maxamed Rashiid Sheekh Xasan  waxa uu lahaa sifooyin badan oon inta badan dadka ku kulmin ama ay adagtahay inuu qof kaliya wada yeesho,hadaba waxaan maqaalkan ku so qaadan doonaa qaar ka mida sifooyinkii ama tilmaamihii Maxamed lahaa. Waxaan ka mid ahaa dadkii ku noolaa magaala madaxda soomaliya ee muqdisho 1989 bisii July oo uu ka dhacay xasuuq ba`an oo loo gaystay dad aan waxba galabsan oo loo aaneeyay inay ahaayeen dadku abtirsada SNM oo xilligaa halgan hubaysan kula jrtay taliskii Maxamed Siyaad Barre. halgan kaas oo akhirkii lagu guryo keenay madax banaanida somaliland 1991kii ilaa maantana ay ku  naaloonayaan dadka reer Somaliland, inkastoo aan wali aqoonsi caalami ah lahayn hadana waa loo dhabar adygayaa ilaa inta laga gaadhayo.

Maxamed Rashiid Sheekh Xasan kolkii xasuuqaasi dhacay waxa uu ku sugnaa muqdisho isagoo ka tirsana BBC-da laanteeda afka soomaliga waanu ka warqabay wixii meesha ka dhacay kadib waxa uu ku laabtay London isagoo qaybta afka ingiriisiga kaga waramay wixii dhacay iyo xasuuqii loo gaystay 40 ka qof een wax ay galabsadeen jirin. Aniguna waxaan kamid ahaa dadkii alle ka badbaadiyay

xasuuqaa waxaanan ku noolaa xaafada madiina oo ahayd goobtii laga ururiyaya dadka.

Arinkan maxamed siciid si aan gabasho lahayn ayuu uga war bixiyay. waxay ku qaadtay maalin dhan soo bandhigidii dhacdooyinkii Muqdisho ka dhacay isagoo kolba waraysi siinaya qaybaha kala duwan ee BBC da, isagoo marka uu studio ka baxaba mid kale galayay.

Maxamed warbixinta qoraal kuma sii diyaarsan intii uu joogay xamar ee maskaxdiisa ayuu ku sii kaydiyay wixii xog ahaa isagoo ka baqay in ay sirdoonkii Siyaad Barre baadhis ku sameeyaan intaanu ka duulin madaarka muqdisho.

Markii uu London gaadhayna si aan waabasho ku jirin ayuu u faafiyay aan idhaahdo waxa uu u hiiliyay islaamnimada iyo dadnimada ba, isagoon eegayn aragti siyaasadeed iyo mid hayb ama qabiil toona taasi waxay ku tusinaysa aragti fogaanta Maxamed lahaa oo laga hei karo uun inyar oo dadka ka mida.

Sifaha labaad ee aan ku jeclaa waxa ay ahayd inuu si dhab ah oo aan isyeelyeel ku jirin u aaminsanaa Somaliland goor kasta iyo goor kastaba, si buuxda oo aan dhuuni ku raadsi ahayn isagoo aaminsanaa inay tani tahay ciidiisii hooyo. Waxaan afar wiig dhamayn ka hor ayuu tafatiraha wargayska Geeska Afrika Mr Ranbo ugu tagay xafiiska wargayska oo uu u sheegay inuu ka qoro hambalyo uu u dirayo ciidanka qaranka Somaliland isagoo xitaa ay ka muuqatay tawsta xanuunkii  uu u dhintay. Waa kuma qofka taa fali karaa? waxaan odhan karna ilaa maalmihii ugu danbaysay ee noloshiisa ayuu dal jacaylku gilgilayay waana sifo dhif iyo naadir ku ah dadka.

Sifada saddexaad ee uu lahaa waxay tahay muu ahayn qof  xaqiiri ah ama xaasida oo dadku  isku mid ayay u ahaayeen tusaale ahaan waxa jirta hawl aanu baryahanba ku hawlanayn oo ahayd in la ururiyo oo buug laga qoro tariikhdii suxufigii caanka ahaa ee Mustafe Xaaji Nuur oo ay soo wada shaqeeyeen maxamed, wax ka yar sadex wiig ka hor ayuu na siiyay waraysi ku sahaban Mustafe iyo inta uu ka yaqaanay. isagoo xanuunsanaya ayuu hadana maansoor nagula balamay oo noola shaqeeyay si hagar la`an ah. Ma filayo in laga soo dhex helayo bulshada nin sidii soo kale labadaa hawlood iska xil saari lahaa isagoo buka oo ayna waliba wax  aduun ahi kasoo galayn sabata kaliya ee u sameeyay waxay ahayd dal iyo dad jacayl.

waxa kale oon qirayaa inu ahaa nin aaragti fog oo ka madax banaan qabiil jeclaysi, qof jeclaysi iyo koox jeclaysi ba. godka lagu jane waxa kale oo uu aad ugu adkaa oofinta balamaha uu galo. runta ayuu u sheegi jiray si biyo ka dhibcaan ah goorta iyo goobta uu kugu la balamayna uu taagnaan jiray.

waxaan ku soo afmeerayaa maqaalkan kooban maansadii uu gaariye tiriyey ka dib geeridii Timacadde ee ahyd geeriyeey xijiyaay fogeeyaay, anigoo saddexdooba alle u ga baryaya danbi dhaaf iyo inuu  ku casuumo janooyinkiisa sare.

ALLAA MAHAD LEH.

Qore: Cabdi Muxumed

cabdimuhumed60@gmail.com

SHARE
Article horeNin Dadka Kharashka U Baajiya, Shaqo Muhiim Ahna U Qabta!
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here