Maxkamada Gobolka Maroodi-jeex Oo xukun Hal sanno oo Xayiraad ah Ku Riday Wargeyska Madaxabannaan Ee Foore

0
1

Ururka Saxaafadda Somaliland Ee SOLJA Oo Cambaareeyay Xayiraada Wargeyska

Hargeysa, (Hubaal) – Maxkamada G/Maroodi-jeex ayaa shalay xukuno Xayiraad iyo Ganaax lacageed ku riday Wargeyska Madaxabanaan ee Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeysa. Xukunkan Maxkamadu ku Riday Wargeyskaasi Foore iyo Masuuliyiinta Wargeyska ayay Maxkamadu waxa ay xayiraad hal sano ah ay saartay Wargeyska Foore in aanu ka soo bixin dalka Halka Masuuliyiinta wargeyskana ay ku xukuntay ganaax lacageed oo dhan Saddex Milyan oo shillinka Somaliland ah.

Guddoomiyaha ururka saxaafadda Somaliland, Maxamuud Cabdi Jaamac Xuuto ayaa cambaareeyay xayiraada wargeyska Foore la saaray, waxaana uu ku eedeeyay xukuumadda Somaliland inay caddaadis xoogan ku hayso warbaahinta oo ay mijo-xaabinayso, isla markaana albaabada u laabayso mihnadii saxaafadda.

“Iyadoo markii horeba uu culays saarnaa saxaafadda Somaliland, haddana maanta xukunka ay maxkamadu ku xayirtay wargeyska Foore, waa mid lagu mijo-xaabinayo oo albaabada loogu laabayo mihnadii saxaafadda. Runtii wixii qaladaad ee dhinacayga in aanu qaadano waanu ogolnahay, balse waxa aan marnaba la aqbali karayn in hay’ad warbaahineed albaabada loo laabo, suxufiyiintana la xidhidho.” Ayuu yidhi Mr. Xuuto

Dacwada lagu soo oogay wargeyska Foore iyo hawlwadeenadiisa ayaa ahayd, warbixin dhawaan wargeyskaasi ka qoray dhismaha madaxtooyadda cusub ee ay wado xukuumadda madaxweyne Biixi, warbixintaas oo sheegtay inaanu dalku qaadi Karin dhismaha madaxtooyo waqti xaadirkan, maadaama baahida bulshadu ka badan tahay.

Si kastaba, Xayiraada la saaray wargeyska Foore ayaa ku soo beegmaya xili ay xukuumadda u xidhan yihiin suxufiyiin gaadhaysa ilaa toddoba wariye

SHARE
Article horeSomaliland: Wakhtiga La Xaraynayo Dhalinyaradii Ku Guulaystay Mashruuca Shaqo-Qaran
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here