Meydka Nin Ka Soo Dhacay Diyaaradda Kenya Airways Oo Laga Helay Beer Ku Taalla London

0
1

London (Hubaal) – Booliiska ayaa xaqiijiyay Meydka Nin ku soo dhacay beer ku taalla london. Baadhitaan dheer kadib waxaa la ogaaday inuu qofkaasi kasoo dhacay diyaarad kenya leedahay oo ka soo duushay Nairobi, kadib markii uu galay meesha Taayirka ay gashato diyaaraddu, ka hor intii aanay soo duulin. Marki diyaaraddu isu diyaarisay inay ka degto Masaarka Heathrow, ee ay lugaha Fidisay ayuu ka siibtay oo Meydku ku dul dhacay Magaalada London. Boolisku waxa ay ka heleen goobtii uu ku jiray ninka Dhintay shandad ay ku jiraan shandad iyo cunooyin fudud. Illaa hadda lama garanin Ninka diyaaradda ka soo dhacay, waxaanu Boolisku sheegay in markii ay Meydka heleen inay la xidhiidheen Dadka deggan deegaanka Offerton Road oo Meydku ku soo dul dhacay. Boolisku waxay sheegeen in aanay hubin Qofka dhintay inuu Rag yahay iyo inuu dumar yahay, balse waxay u badinayaan inuu Rag yahay. Afhayeen u hadlay Boolisku wuxuu sheegay in halkii uu ka soo dhacay ee ahayd Godka Taayirka diyaaraddu gasho ay ka heleen Cuntooyin fudud, Biyo iyo waxyaabo kale, waxaanu sheegay in Boolisku ku hawlan yihiin inay xaqiijiyaan Jinsiyaddiisa.

SHARE
Article horeHudheel Hargeysa Ku Yaalla Oo 120 Habeen kadib, Laga Qaaday Xayiraad Saarnayd Qayb Kamid Ah Saacadaha Uu Shaqeeyo
Mustafe Mohammed Abdullahi better known as Mustafe Faro is a senior Somali journalist, writer and cameraman. Mustafe is the head of programmes of Hubaal newspaper - a daily Somali magazine issued from Hargeisa, Somaliland. He is the assistant editor of the Independent Newspaper in Hargeisa, also the assistant editor of Somali Commentator. You can contact him through his E-mail: loodh2013@gmail.com or +252 63 4097497

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here