Midowga Yurub Oo Ka HAdlay Go’aan Ay Somalialnd Ka Qaadatay  Gole loo sameeyey Hawl-gallo & Mashaariic ay ka fuliyaan Hargeysa iyo Muqdisho

0
43

New York (Hubaal)- Madaxa Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda ee ka hawl-gala Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, Etienne de Poncins, ayaa ka hadlay go’aan Somaliland ku qaaddacday inay ka mid noqoto Gole loo sameeyey oo ku kulminaya Shaqaalaha EUCAP ee ka hawl-gala Somaliland iyo Soomaaliya.

madaxa hawlgalka la dagaalanka budhcad badeedaHawl-galka la dagaalanka budhcad-badeedda ee Midowga Yurub, EUCAP Nestor, ayaa xafiisyo ku leh magaalooyinka Hargeysa oo ay ka hawl-galaan 7 ilaa 8 shaqaale ajaanib iyo muwaadiniin isugu jira iyo xafiiskooda magaalada Muqdisho oo ay ka hawl-galaan 10 Qof.

eu-and-somalilandSidoo kale, xarunta maamul-goboleedka Puntland ee Garowe, ayaa la qorshaynayaa inay xafiis ka furtaan, sida uu shaaciyey madaxa Hawl-galka EUCAP Nestor oo Somaliland ka taageera dhismaha tayada Ciidamada Ilaalada Xeebaha, Garsoorka iyo Ciidamada Booliska.

Madaxa EUCAP Nestor waxa uu sheegay inaanay Somaliland qayb ka ahayn Gole kulminaya Shaqaalaha iyo hay’adaha dowladeed ee Maamullada Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya, kaddib markii sida uu sheegay Somaliland ku gacan-saydhay xubinnimada Golahaas oo ujeeddada loo sameeyey tahay inay ku xidhiidhaan isla markaana ka-wada qayb-qaataan tabobarro la xidhiidha la-dagaalanka budhcad-badeeda iyo adeegyada Garsoorka.

Mr Etienne de Poncins uu sidan ku sheegay shir-jaraa’id oo uu Arbacadii ku qabtay Xarunta Qaramada Midoobay ee New York, waxaana halkaas su’aal la xidhiidha hawl-galkooda Somaliland iyo xidhiidhka uu la leeyahay wada-shaqaynta ka dhaxaysa dowladda Soomaaliya weydiiyey wariye Matthew Russel Lee oo ah tifaftiraha shabakadda Innerpress.org oo wax ka qorta wararka iyo xogaha la xidhaadha hawl-gallada Qaramada Midoobay.

Weriye Matthew Russel ayaa weydiiyey Masuulkan laba su’aalood oo ta koowaadf nuxurkeedu ahaa waxa ay Shaqada EUCAP Nester kaga duwan tahay hawl-gallada hay’adaha Qaramada Midoobay ka fuliyeen Somaliland iyo Soomaaliya iyo sidoo kale inay dowladda Soomaaliya u soo mareen oggolaanshaha xafiiskooda magaalada Hargeysa oo la furay badhtamaha sannadkii 2013-kii.

Waxa uu Mr Etienne de Poncins Su’aashan ka jawaabay waxa uu yidhi, “EUCAP Nester waa Hawl-gal farsamo, ugamana faa’idaysanno inaanu ku fulino Arrimo siyaasadeed xafiiskayaga Muqdisho oo ay ka hawl-galaan toban shaqaale ah. Sidoo kale, waxaanu magaalada Hargeysa xafiis ay ka hawl-galaan todoba ilaa Siddeed qof. Somaliland waxaanu ka samaynay mashruuc dhinacyo badan oo aanu ka taageernay dhismaha iyo adeegyada aasaasiga ah ee Ilaalada Xeebaha, Waaxda Garsoorka iyo Booliska, waxaananu mashaariicdaas u qabannay anagoo si cad ugu sheegnay Dowladda federaalka Soomaaliya in ujeeddada aanu ka leenahay joogitaankayga Somaliland aanay iyaga khusaysa. Waxa aanu dhowaan si rasmiya u furaynaa xafiiskayga Garoowe.”

madaxa-hawlgalka-la-dagaalanka-budhcad-badeedaSidoo kale, isaga oo ka jawaabayey su’aasha labaad ee Weriyuhu weydiiyey oo nuxurkeedu ahaa sababta aanay Somaliland uga mid ahayn tabobarro loo qabto Shaqaalahooda ka hawl-gala xafiisyadooda Hargeysa iyo Muqdisho, waxa uu masuulkani ku jawaabay, “Markaan u imaaddo su’aashada kale ee la xidhiidha tabobarka aanu soo qaban-qaabinnay, Somaliland may aqbalin inay ka qayb-gasho, markaa haddii ay Somaliland ka qayb-gasho iyo haddii kale waa mid soconaya oo ay ka qayb-qaadanayaan Puntland iyo Koonfurta Soomaaliya. Nasiib-darro, Somaliland qayb kama ah Golahaa (Forum),” ayuu yidhi Madaxa Hawl-galka Midowga Yurub ee la-dagaalanka Budhcad-badeedda ee ka hawl-gala Badweynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed, Etienne de Poncins.

GUJI Halkan si aad Uga Bogato Warbixinta ku Saabsan Go’aanka Midowga Yurub

 

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here